GOLAHA WASIIRADDA XUKUMADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA OO ANSIXIYEY…
(SAWIRKA)-GOLAHA WASIIRADDA XFS.
(MUQDISHO)-Wararka ka imanaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa Ansixiyey Hindise Sharciyeedka Dambiyada Saybarka Soomaaliya, oo ey Golaha u soo gudbisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda. Sharcigan, ayaa xoogga saaraya, Sirta, Bed-qabka iyo Amniga Nidaamyada Kombiyuutarka, Shabakadaha iyo Barnaamijyada, Ka-hortagga Isticmaalka Sharci-darrada ah ee Nidaamyada Kombiyuutarrada, oggaanshaha, baarista, dacwad ku oogidda iyo ciqaabidda dembiyada saybarka, Ilaalinta danta guud, akhlaaqda, iyo qiyamka guud ee bulshada, ilaalinta dhaqaalaha Qaranka iyo sidoo kale kaabayaasha macluumaadka ee muhiimka ah. Kulanka oo uu Guddoominayey Raysal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira Amniga iyo howlgallada socda ee lagu ciribtirayo Khawaarijta. Iyada oo goluhu bogaadiyey guulaha ey ciidanka qalabsida ka gaarayaan dagaalka Argagixisada looga sifeynayo goobaha ey ku dhuumaaleysanayaan. Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda Mudane Maxamed Aadam Macallim (Soomaali), ayaa si weyn u soo dhaweeyay Ansixinta Golaha Wasiirrada ee Hindise-sharciyeedka Dambiyada Saybarka Soomaaliya, isaga oo tilmaamay inuu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu ilaalinayo sirta, badbaadada iyo amniga nidaamyada dhijitaalka ah, isla markaana lagu xoojinayo difaaca danta guud iyo dhaqaalaha qaranka.
Hindise-sharciyeedkan ayaa xoogga saaraya:
Ka hortagga isticmaalka sharci-darrada ah ee nidaamyada kombiyuutarada iyo aaladaha kale ee casriga ah.
- Ilaalinta sirta, amniga, iyo akhlaaqda guud ee bulshada.
- Difaaca dhaqaalaha qaranka iyo kaabayaasha macluumaadka ee muhiimka ah.
- Dejinta xeerar iyo ciqaabo waafaqsan xeerarka caalamiga ah iyo kuwa gobolka. Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda iney sii wadi doonto dadaallada lagu xaqiijinayo in Soomaaliya yeelato Isgaarsiin Ammaan ah, casri ah, sharciyeysan, isla markaana la jaanqaada horumarka tiknoolojiyadda caalamka, taasoo laf-dhabar u ah koboca dhaqaalaha iyo ilaalinta amniga dhijitaalka ah.
XIGASHO-SNTV.