DAWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA OO QEYBGASHAY SHIRKA YOKOHAMA.

(SAWIRKA)-WASIIR BEENE-BEENE IYO DANJ.HODAN.

(JAPAN)-Wararka laga helaayo magaaladda YOKOHAMA ee dalka Jabaan ayaa sheegayao in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka qeyb-gashay Shirweynaha Caalamiga ah ee horumarinta Afrika iyo Jabaan (TICAD9) ee ku qabsoomay magaaladda Yokohama ee dalka Japan. Shirka ayaa waxaa Soomaaliya ku metelaayey Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene). Wasiirka waxaa ku wehlinaya shirka Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha iyo Japan, Marwo Hodan Cismaan Cabdi iyo Lataliyaha dhaqaalaha ee Raysal Wasaaraha XFS Mudane Aweys Cabdullahi Cali. Intii lagu guda jiray furitaanka shirka, Wasiir Beene-Beene ayaa khudbad ka jeediyay isagoo si gaar ah u iftiimiyay:

• Guulaha Soomaaliya ka gaartay dhinacyada Amniga iyo Dhaqaalaha, oo ey ku jirto dhimista saboolnimada 16% iyo ka bixitaanka dalka ee barnaamijka cafinta deynta.

• Kalsoonida maalgashadayaasha caalamka, iyadoo in ka badan 90% shirkadaha ka shaqeeya Soomaaliya ey muujiyeen kalsooni ku saabsan jihada Dhaqaalaha iyo Amniga Ganacsiga.

• Himilada Soomaaliya ee mustaqbalka, oo ku saleysan qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) iyo hiigsiga 2060 (Centennial Vision 2060), si loo xaqiijiyo koboc dhaqaale, shaqo abuur iyo fursado maalgashiga waara. Wasiir Beene-beene ayaa ku booriyay dalalka iyo shirkadaha caalamiga ah, gaar ahaan kuwa dalka Jabaan, iney ka faa’iideysato fursadaha ballaaran ee Soomaaliya ka jira, sida:

• Kalluumeysiga badda hodanka ah.

• Xoolaha nool oo gaaraya 40 milyan oo neef.

• Fursadaha Tamarta Qoraxda iyo maalgashiga Ganacsiga gobolka.

“Soomaaliya waa dal fursado badan leh, waxaana diyaar u nahay iskaashi dhaqaale oo ku dhisan kalsooni, dan wadaag iyo horumar waara.” waxaa sidaas yiri Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee DFS Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh (Beene-beene).

ISHA-SNTV.


Previous
Previous

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DACASKA LA DUL QAADAY MUCAARADKA,SABAB?

Next
Next

GOLAHA WASIIRADDA XUKUMADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA OO ANSIXIYEY…