MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DACASKA LA DUL QAADAY MUCAARADKA,SABAB?

(SAWIRKA)-MW-XASAN SHEEKH MAXAMUD.

(DH/MAREEB)-Wararka ka imaanaayo caasimadda Dawlad Goboleedka Galmudug ee Dh/Mareeb ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamuud uu si cad uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isaga oo si gaar ah u dul istaagay aragtidiisa ku aaddan Mucaaradka iyo Hanaanka Dimuqraadiyadeed ee dalka. Madaxweynaha oo ku sugan magaalada Dhusamareb, ayaa tilmaamay baahida loo qabo in dalka uu yeesho nidaam siyaasadeed oo qaan-gaar ah, islamarkaana lagu dhiso Axsaab Siyaasadeed oo leh Aragti cad. Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sheegay in Mucaaradka hadda jira eysan ahayn koox mideysan oo leh Aragti horumarineed oo Qaran, Isagoo tusaale u soo qaatay xilligii uu isagu mucaaradka ka tirsanaa 2022, wuxuu sheegay in farqi weyn uu u dhexeeyo mucaaradkii markaa iyo midka hadda. "Mucaaradkii aan ka tirsanaa 2022 iyo kan maanta jira waa laba kala duwan Ma jiro wax aragti mideysa, Qof walba jiho gaar ah ayuu u socdaa, taasina horumar ma keento" ayuu yiri Madaxweynaha.  Hadalkan ayaa imanaya xilli ey fashilmeen shan kulan oo u dhexeeyey dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Mucaaradka ee loo yaqaan “Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed” taasoo muujinaysa kala fogaanshaha dhinacyada.
Madaxweynaha wuxuu si gaar ah u adkeeyey muhiimadda ey leedahay in lasoo gabagabeeyo dastuurka dalka, taasoo ah ballan uu hore u qaadag xilligii doorashada, Sidoo kale, wuxuu mar kale caddeeyey in dowladda ey ka go’an tahay hirgelinta doorasho qof iyo cod ah: "Waa in aan ka gudubnaa caqabadaha hadda taagan, sida dhamaystirka dastuurka iyo in awoodda dib loogu celiyo shacabka." Hadalkan ayaa u muuqda mid uu Madaxweynaha uga jawaabayo walaac ey mucaaradku ka muujiyeen sida ey wax u socdaan, gaar ahaan dhanka diyaarinta doorashada qof iyo cod ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dalka uu u baahan yahay in laga gudbo siyaasadda ku dhisan shaqsiyaadka kaliya, lagana guuro nidaam ku dhisan dano gaar ah. "Waa in aan ka guurno siyaasadda ey dadka keliya iska wataan, oo aan dhisno Axsaab Siyaasadeed oo ku dhisan mabda’ iyo aragti cad." Ayuu yiri Xasan Sheekh. Wuxuu intaas ku daray in nidaamka Axsaabta dhabta ah uu horseedi karo isbeddel siyaasadeed iyo mid bulsho oo waara. Hadalka Madaxweynaha ayaa imanaya xilli kala aragti duwanaansho weyn ey ka taagan tahay jihada uu dalka u socdo, gaar ahaan dhanka siyaasadda iyo hannaanka doorashooyinka, Inkastoo mucaaradku ey weli walaac ka qabaan arrimo ey ka mid yihiin daahfurnaanta iyo fulinta ballanqaadyada dowladda.

XIGASHO-HOL.

Previous
Previous

MARINKA TAHRIIBEYAASHA AFRIKADA BARI OO LA SOO OGAADAY.

Next
Next

DAWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA OO QEYBGASHAY SHIRKA YOKOHAMA.