(SYRIA)-MARAYKANKA OO HAWLGAL QORSHEYSAN KU DILAY SARKAAL SARE OO AH ISIS.
(SAWIRKA)-BURBURKA IDLIB SYRIA.
(SYRIA)-Sarkaal Mareykan ah oo magaciisa qariyay ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ey weerar aroornimadii hore ee saakay ka fuliyeen Waqooyiga Suuriya, kaasoo lagu dilay xubin sare oo ka tirsan kooxda ISIS oo loo arkayay inuu u sharaxan yahay Hoggaanka kooxda ISIS ee Suuriya. Ilo Suuriyaan ah ayaa sheegay in bartilmaameedku uu ahaa nin Ciraaqi ah eyna u dhaxday haweeney Faransiis ah. Weerar ey subaxnimadii hore ee maanta oo Arbaco ah ka fuliyeen Waqooyiga Galbeed ee dalka Suuriya, ayaa lagu dilay xubin sare oo ka tirsan kooxda Daacish, sida uu sarkaal Mareykan ah u sheegay Wakaaladda Wararka ee Reuters. Waa weerarkii labaad ee la og yahay iney ciidamada Mareykanka ka geystaan Waqooyiga Suuriya tan iyo markii xukunka laga tuuray Madaxweynihii hore ee Bashaar AL-Assad bishii December ee sannadkii tegay 2024-kii. Xukuumada ey hogaaminayaan Islaamiyiinta ee isaga badashay ayaa balan qaaday iney ka hortageyso in kooxda ISIS ey dib u soo cusboonaato, waxaana ey qeyb ka tahay isbaheysiga la dagaalanka ISIS oo ey ku jiraan isbaheysiga uu hogaamiyo Mareykanka ee dagaalka kula jira kooxdaasi. Sarkaalka Maraykanka ah oo magaciisa qariyay ayaa sheegay in weerarka lagu dilay xubin sare oo ka tirsan kooxda ISIS oo loo arkayay inuu u sharaxan yahay Hogaamiyaha kooxda ISIS ee dalka Suuriya. Ma jiro wax askar Mareykan ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay weerarka, ayuu sarkaalku hadalkiisa ku daray. Ilaha ammaanka Suuriya iyo AL-Akhbariya ee dowladda Suuriya ayaa sheegay in bartilmaameedka la dilay xilli uu isku dayey inuu baxsado. Ilo kale oo Suuriyaan ah ayaa sheegay in bartilmaameedku uu ahaa Ciraaqi eyna u dhaxday haweeney Faransiis ah. Ilaa hadda ma cadda waxa ku dhacay xaaskiisa. Wasaaradda G/dhiga Maraykanka ee Pentagon ayaan islamarkiiba wax faallo ah ka bixinin wararka la xiriiro dhacdadaan. Howlgalka ayaa billowday abaare 2-dii subaxnimo sida laga soo xigtay ilaha ammaanka ee Suuriya iyo dadka deriska la ah magaalada Adhmah, ee Gobolka Idlib. Diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo kuwa aan duuliyaha lahayn ayaa bixiyay daboolka hawada, mid ka mid ah ilaha amniga Suuriya iyo dadka deegaanka ayaa sheegay. Ciidamada maxalliga ah ee Suuriya ayaa isku gadaamay agagaarka xaafadda, laakiin ciidamada Mareykanka ayaa sameeyay weerarka dhabta ah, ilo amni oo labaad ayaa sheegay. Abdelqader AL-Sheikh, oo ey deris ahaayeen, ayaa sheegay in uu la soo daahay wiilkiisa, uuna buuq ka maqlay daarada jaarka ah. Waxaan u dhawaaqay oo ku iri, kumaad tahay? waxayna igu bilaabeen Ingiriis iney igula hadlaan, iyagoo ii sheegaya inaan gacmaha kor u qaado,” ayuu Sheekh u sheegay Reuters. Waxa uu sheegay in ciidamada qalabka sida ey ku sugnaayeen saqafyada guryaha ku hareereysan labadii saacadood ee soo socota, waxaana uu sheegay in uu maqlay qof ka ag dhawaa oo Carabi ku hadlaya lahjad Ciraaqi ah. Bishii Luulyo, Pentagon-ka ayaa sheegtay in ciidamadeedu ey weerar ka fuliyeen gobolka Xalab kaas oo sababay dhimashada hogaamiye sare oo ka tirsan kooxda ISIS iyo laba wiil oo qaangaar ah oo uu dhalay oo xiriir la leh kooxda ISIS. Idlib ayaa sanado badan ahayd meel ey ku dhuuntaan saraakiisha sar-sare ee kooxda ISIS. Ciidamada Mareykanka ayaa sanadkii 2022 ku dilay tuulada Barisha ee Gobolka Idlib Hogaamiyihii kooxda ISIS Abu Bakr AL-Baqdaadi iyo dhaxal sugaha Abu Ibrahim AL-Haashimi AL-Qurayshi sanadkii 2022.
XIGASHO-FP.