MADAXA HAWLGALKA AUSSOM OO GAARAY MAGAALADDA JAWHAR.

(SAWIRKA)-MADAXDA AUSSOM.

(JAWHAR)-Wararka laga helaayo caasimadda Jawhar ee Dawad Goboleedka H/Shabeelle ayaa sheegaayo in Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ahna Madaxa hawlgalka AUSSOM, Danjire EL-Hadji Ibrahima Diene, uu maanta booqday Taliska Guud ee Qaybta 5-aad ee Jowhar ee Dawlad Goboleedka HirShabeelle. Booqashadan ayaa qayb ka ah socdaalka uu Danjiraha uu ugu kuurgelaayo hawlgallada AUSSOM tan iyo markii uu xafiiska la wareegay bishii Luulyo. Waxaa safarka ku wehliyay Madaxa Hawlwadeennada AUSSOM S/Gaas Kindu Gezu iyo Injineerka Guud G/Sare Suleiman Ibrahim. Waxaa Danjiraha soo dhaweeyey Taliyaha Qaybta 5-aad G/Dhexe Désiré Nkurunziza. Taliyayaasha ciidanka BNDF, ayaa wafdiga uga warbixiyay Amniga iyo hawlaha AUSSOM ey ka waddo Shabeellaha Dhexe, iyagoo mar kale xaqiijiyay taageerada ey siiyaan Ciidanka Amniga Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira AL-Shabaab iyadoo loo marayo hawlgallada wadajirka ah. Danjire Diene ayaa sidoo kale Madaxtooyada Jowhar wada-hadallo kula yeeshay Madaxweynaha H/Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen ‘Guudlaawe’, iyagoo diiradda saaray isku duwista hawlgallada iyo hababka AUSSOM ey u sii xoojin karto maamulka deegaanka. Booqashada ayaa ah daba socoto socdaalladii Kismaayo, Muqdisho, Baydhabo, & Beledweyne, goobahaas oo Wakiilka uu kula kulmay taliyayaasha ka socdo Guutooyinka wadamadda Kenya, Uganda, Itoobiya, iyo Jabuuti, AUSSOM Iyo Qeybaheeda.

ISHA-AUSSOM.


Previous
Previous

(SYRIA)-MARAYKANKA OO HAWLGAL QORSHEYSAN KU DILAY SARKAAL SARE OO AH ISIS.

Next
Next

SAFAARADDA MARAYKANKA EE NAYROOBI OO DIGNIIN KA SOO SAARATAY WEERARO ALSHABAAB.