SAFAARADDA MARAYKANKA EE NAYROOBI OO DIGNIIN KA SOO SAARATAY WEERARO ALSHABAAB.

(SAWIRKA)-KOOXDA ALSHABAAB.

(NAIROBI)-Safaaradda dowladda Maraykanka ee Magaalada Nayrobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa soo saartay digniin dhanka Amniga ah oo la xariirta suurtagalnimada weeraro Argagixiso oo kooxda AL-shabaab ka geysan karto gudaha magaalada caasimadda ah ee Nayrobi. Safaaradda ayaa muwaadiniinteeda iyo kuwa Ajaanibta ee ku sugan magaalada caasimada ah ee Nayrobi uga digtay halis ka dhalan karta weerarada AL-shabaab iyo kooxaha kale ee loogu yeero Argagixisada. War kasoo baxay Safaaradda ayaa lagu sheegay in Safaaraddu ey dadka kula talineyso iney ka fogaadaan meelaha bartilmaameedka noqon kara oo ah goobaha kulanka bulshadu ku badan tahay sida Hoteelada, Maqaayadaha, Suuqyada, Iskuulada, Saldhigyada Booliiska iyo goobaha kale ee Cibaadada. “Safaaradda waxa ey Dadka muwaadininta ah iyo ajaanibta kale ogaysiineysaa in ey dhici karaan weeraro Argagixiso oo kooxaha fulinaya sida AS ay ku maamuusayaan weerarkii Safaaradda ee 7-dii Agoosto, kan ka dhacay Maraykanka ee 11-kii Sabteember, iyo midkii 21 Sabteembar ka dhacay Westgate Mall iyo weerarkii Xamaas ee Israa’iil 7-dii Oktoobar” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Safaaradda Maraykanka ee dalka Kenya. Digniinta Safaaradda Mareykanka ee dalka Kenya ayaa imaaneysa, iyadoo horay Safaaradda Maraykanka ee Nayrobi u soo gudbisay digniino la xiriira weeraro ka dhici kara dalka Kenya, waxaana xusid mudan in qaarkood ey dhaceen halka qaar kale eysan dhicin. Ugu dambeyntii Safaaradda ayaa kula talisay Muwaadiniinteeda iyo ajaanibta kale ee ku sugan Nayrobi iney adkeeyaan amaankooda shaqsi, islamarkaana ey muujiyaan taxadar dheeraad ah.

XIGASHO-HOL.

Previous
Previous

MADAXA HAWLGALKA AUSSOM OO GAARAY MAGAALADDA JAWHAR.

Next
Next

SAFIIRKII HORE EE MARAYKANKA U FADHIYEY SOOMAALIYA LARRY ANDRE OO SI CAD U DIIDAY AQOONSIGA SOOMAALILAND.