SAFIIRKII HORE EE MARAYKANKA U FADHIYEY SOOMAALIYA LARRY ANDRE OO SI CAD U DIIDAY AQOONSIGA SOOMAALILAND.
(SAWIRKA)-DANJIRE LARRY ANDRE.
(WASHINGTON)-Larry Andre, Safiirkii hore ee Maraykanka u fadhiyay Somaliya, ayaa Washington u soo jeediyay digniin la xiriirta Aqoonsiga Somaliland. Waxa uu ku nuux-nuux saday in xaaladda Siyaasadeed ee Geeska Afrika ey u baahan tahay in si taxadar leh looga fiirsado iyo ka qaybgalka Mareykanka. Andre waxa uu tilmaamay in iyadoo ey tahay in danaha Maraykanka la ilaaliyo, ey muhiim tahay in la maro muuqaalka qalafsan ee diblamaasiyadeed iyada oo aan laga gudbin xuduudaha muhiimka ah. Waxa uu ka digay in Somaliland loo Aqoonsado dal ka Madax bannaan Soomaaliya iney Mareykanka u horseedi karto saameyn Siyaasadeed oo weyn. Waxa uu carabka ku adkeeyay muhiimadda ey leedahay in wadatashi lala yeesho daneeyayaasha Gobolka iyo Midowga Afrika ka hor inta aan la gaarin go’aan kasta oo hal dhinac ah. “Danta Maraykanka iyo danta guud ee dadka Geeska Afrika waxay u baahan yihiin in Siyaasadda Maraykanku dib u qiimayn ku samayso maqaamka Somaliland si taxadir leh, waxa xaqiiqo ah iney jiraan horumarro la taaban karo oo dhinaca Ammaanka iyo Siyaasadda ah ee Somaliland, laakiin waa in aanu Maraykanku qaadin tallaabo hal dhinac ah,” ayuu yiri Larry Andre, Safiirkii hore ee Maraykanka u fadhiyay Soomaaliya. In kasta oo la aqoonsan yahay horumarka Somaliland ka samaysay dhinaca Nabadgelyada iyo Dawladnimada, Andre waxa uu ku celceliyey in Maraykanku ka fogaado ficillada hal dhinac ah. Waxa uu hoosta ka xariiqay in tallaabo kasta oo lagu Aqoonsanayo Somaliland ey qayb ka noqoto wada-hadallo ballaaran oo ey ku lug leeyihiin dalalka Jaarka ah. Dhowaan ayey ahayd markii Senator Ted Cruz oo ah xubin caan ka ah Xisbiga Jamhuuriga uu warqad u diray Madaxweyne Donald Trump waxa uuna soo jeediyay in Somaliland la Aqoonsado. Soo jeedintan ayaa dhalisay dib u dhac weyn, taasoo muujinaysa dabeecadda xasaasiga ah ee mawduuca iyo waxyaabaha ka iman kara go'aankan.Dhinaca kale,Danjire.Tibor Nagy, oo horay u soo noqday Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaga Dibadda dalka Maraykanka si aad ahne u taageersan Aqoonsiga Soomaaliland ayaa jawaab gaaban waxa uu siiyey Danjire.Larry, waxa uuna yiri”Safiirkii hore ee Maraykanka ee soomaaliya Larry Andre waa saaxib waqti dheer,waxaan wada joognay seddex Safaaradood oo Maraykan ah. Aniga kumaraacsani MucaaradnimadiisaAqoonsiga Sooaaliland. Qoraalkiisa,isagoo si fiican u soo bandhigay si weyne u qeexay sababta sababta aan loo Aqoonsan karin Soomaliland,waxa uuna hoos u dhigay sababta Aqoonsiga Soomaaliland.
XIGASHO-ALMUSTAQBAL MEDIA.