MAXKAMADA CIIDAMAD OO DIL TOOGASHA AH KU FULISAY LABA DHAGAR QABE OO ALSHABAAB AH.

(SAWIRKA)-ALSHABAABKA LA TOOGTAY.

(MUQDISHO)-Waxaa in mudda ah hakad uu galay fulinta dilka Toogshada ah ey xukunto Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sida,sababta in hakad gallo ayaa markaas lagu sheegay iney tahay goobtii lagu fulin jiray dilka Toogashada ah oo ahayd Dugsiga Booliska ee degmada Xamar JaJab ayaa dib habeyn dhul ka bilaabatay. Dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay ayey Maxkamada Ciidamada waxa ey dib u bilawday fulinta xukunada dilka ah ee lagu xukumay xubno ka tirsan kooxda ALshabaab. Maanta oo Arbaca ah kuna beegan 20/8/2025-ka, Maxkamada Ciidamada Qalbka Sida ayaa fulisay laba dil Toogasho,waxaane lagu kala fuliyey: (1)-C/qaadir Abuukar Axmed, magaciisa afgarshadana uu yahay Nasrudiin ama Saabir, dhagar qabe C/qaadir ayaa kooxda Alshabaab ku biiray sannadkii 2017-kii waxaane ku tashkiiliyey inuu ku biiro kooxda ALshabaab ina adeerkiis oo kooxda ka tirsanaay. C/qaadir ayaa ka soo qeyb qaatay dgaaladda Jabhadda ee ka dhacay Gobolka Shabeeladda Hoose ka hor inta aan loo soo bedelin kooxda Madax Jebiska ee ka hawlgasha magaaladda Muqdisho sannadkii 2-da kun, laba sano ka dib 2022-kii waxaa C/qaadir la baray xeeladaha si gaadmo ah loogu dilo dadka ey ALshabaab bartilmaameedsadaan. Dilkii ugu horeeyey waxa uu C/qaadir ka noqday caawiye, waxaane dilkaasi loo geystay marxuum Ex.Deble XDS Maxamed Aden Isaaq, dilka ayaa dhacay 3/7/23-kii waxa uuna ka dhacay degmada Garasbaaleey ee G/Banaadir. Degmada Dayniile gaar ahaan Waaxda Halgan, C/qaadir waxa uu ku dilay Nabadoon Salaad Cali Aden loona yaqaan “WEYD” taariikhdu markeey ahayad 8/8/23-kii,dilka nabadoonka ka dib C/qaadir ayaa isku dayey inuu Loga ka saaro Telefoonka Nabadoonka uu dilay, waxaane halkaas laga soo helay Sawirkiisa. Seddex maalmood ka dib kuna beegneed 11/8/23-kii kuna beegneed maalin Jimca ah,salaadii Jimcaha ka dib ayuu C/qaadir degmada Hodan ku dilay Ganacsade Isaaq Aden Cali. Dhagar qabe C/qaadir ayaa isku dayey inuu goobta isaga baxsado balse waxaa rasaas ku asqeeyey ciidamad ilaalada qaranka ee goobta ka ag dhawaa,waxaane halkasi ku soo gaaray dhaawac sababay in dhagar qabe C/qaadir la soo qabto. Taariikhdu markeey ahayd 24/4/24-kii,ayaa dhagar qabe C/qaadir waxaa dil toogasha ah ku xukunta Maxkamadda CQS. (2)-Saleebaan Xuseen Nuur, magaciisa afgarashadana uu yahay Cali ama Siyaaf,waxa uu ka mid ahaa Jabhadaha waxa uuna ka qeybgalay dhawr dagaal ey gashay kooxda ALshabaab,waxaa kaloo uu noqday Muuqaal duube la socdo kooxda marka ey dagaal aadeeyso, intaas ka dib dhagar qabe Saleebaan ayaa loo soo wareejiyey Muqdisho si uu qeyb uga noqdo kooxda Madax Jebiska ee ka hawlgasha Muqdisho. 27/3/23-kii ahaydne maalin Ramadaan ah ayuu dilay deble XDS Saleebaan Maxamed Ibraahim kaaso ku sugnaay irida hore ee gurigiisa, askeriga la dilay ayaa ka tirsanaay Guutada 3-aad ee Q-14-aad ee XDS,xabadihii ka gudbay marxuumka ayaa dhaawacay dhibane Siciid Baashe Nuur oo waqtigaas la fadhiyey askeriga la toogtay. Dhagar qabe saleebaan ayaa waxaa eryaday gabar uu dhalay Marxuumka la toogtay taas ayaane sababatay in dhagar qabe Saleebaan gacanta lagu soo dhigo lana geeyo saldhiga degmada G/Baaleey, waxaane dacwadiisa loo fariistay 17/5/24-kii, waxa eyna Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sida xukun dil ah ku xukunta Dhagar qabe Saleebaan 21/5/25-ka. Todaab ka hor ayey ahayd markii Maxkamadda CQS ey fulisay dil toogasho ah oo lagu xukumay rag seddex ah kana wada tirsanaay kooxda ALshabaab, hadaba haddii la bilaabay fulinta Xukunada dilka ah Goormee ayaa la fulin doonaa dilka gacan ku dhiigle Sayid-Cali Macallin Da’uud?

ISHA-SUUQBACAAD MEDIA/MUQDISHO.

Previous
Previous

SAFIIRKII HORE EE MARAYKANKA U FADHIYEY SOOMAALIYA LARRY ANDRE OO SI CAD U DIIDAY AQOONSIGA SOOMAALILAND.

Next
Next

AGAASIME BASHIIR MACALLIN OOO XILKII LAGA QAADAY.