AGAASIME BASHIIR MACALLIN OOO XILKII LAGA QAADAY.

(SAWIRKA)-EX-AGAASIME BASHIIR.

(MUQDISHO)-Raysal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta oo Arbaca ah kuna beegan 20/8/2025-ka magacaabay Cumar Cali Afrax inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada. Agaasime Cumar Cali Afrax ayaa xilkan kala wareegay Bashiir Macalin Cali Xasan, oo horey u hayay Xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiid iyo Duulista Hawada. Xilka cusub ee loo magacaabay Cumar Cali Afrax ayaa ka mid ah isbeddellada maamulka ee lagu xoojinayo shaqada iyo hufnaanta Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, taasoo ah Hay’ad muhiim u ah dalka. Agaasimaha xilka laga qaaday ayaa caan ku ahaa inuu taageero Xisbiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Cadaaadda iyo Wadajirka. Md.Bashiir Macallin Xasan ayaa dhawr mar waxa uu wajahay weeraro culus oo kaga imaanayey Xildhibaano kasoo jeedo KGS ka dib markii uu ku tilmaamay iney yihiin caruur Xabashida u adeegto. Dhinaca kale, Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, Amb. Hodan Cismaan Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ugu wareejisay Agaasimaha Guud ee Habmaamuuska Wasaaradda Arrimaha Dibadda Japan, Mudane Miyashita Tadayuki. Amb. Hodan uu fadhigeedu yahay caasimadda Shinaha ee Bekiin, balse si rasmi ah uga shaqayn doonta labada Safaaradood ee Soomaaliya ee Shiinaha iyo Japan, ayaa intii kulanku socday kala hadashay masuulka Japan qorshayaasha ey ka fulin doonto dalkaas iyo sida loo xoojin karo xiriirka laba geesoodka ah ee Muqdisho iyo Tokyo. Danjiraha Soomaaliya ayaa sheegtay in mudnaanta koowaad ey siin doonto xoojinta iskaashiga dhinacyada Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Diblomaasiyadda, iyada oo rajo wanaagsan ka muujisay in xiriirka labada dal uu gaari doono heer cusub. Dalka Japan ayaa safka hore kaga jiray waddamadii taageeray Soomaaliya markii ey xorriyadda ka qaadatay gumeystihii Talyaaniga iyo Ingiriiska, waxana ey Tokyo tan iyo markaas ka fulisay mashaariic horumarineed oo muhiim u ahaa shacabka Soomaaliyeed.

XIGASHO-GOOBJOOG.

Previous
Previous

MAXKAMADA CIIDAMAD OO DIL TOOGASHA AH KU FULISAY LABA DHAGAR QABE OO ALSHABAAB AH.

Next
Next

UK OO QABATAY MUKHALASIIN U KALA DHALATAY TURKI IYO KUWEYT.