YAA KU ADKAAN DOONO DOORASHADA SOOMAALIYA EE SANNADKAN-2026?
(SAWIRKA)-KUWA ISKU HAAYO SOMALIA.
(MUQDISHO/SOMALIA)-Golaha Midnimada Soomaaliyeed oo ay hoggaaminayaan Raysalwasaare hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Wasiirkii hore Daahir Maxamuud Geelle, ayaa soo bandhigay qorshe qaran oo ku saabsan hirgelinta doorasho qof iyo cod ah iyo nidaam xisbiyo badan oo beddela qaabkii hore ee awood-qaybsiga ku dhisnaa. Dhanka kale, Golaha Nabad iyo Nolol oo uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa iyaguna taageeray qabsoomidda doorasho qof iyo cod ah, balse waxay soo jeediyeen in lagu daro in dadka la diwaangaliyo maalinta Doorashada kaas oo u oggolaanaya muwaadiniinta aan hore isu diiwaangelin inay maalinta doorashada tagaan goobta codbixinta, halkaasna lagu diiwaangeliyo isla markaana ay si toos ah codkooda uga dhiibtaan. Qorshaha Golaha Midnimada Soomaaliyeed wuxuu dhigayaa in Golaha Shacabka si toos ah ay u soo doortaan shacabka Soomaaliyeed, halka xubnaha Aqalka Sare ay soo dooranayaan dowlad-goboleedyada. Sidoo kale, Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Federaalka (IFEC) ayaa maamuli doona doorashada, halka Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka (EDRC) oo kaashanaya Maxkamadda Sare ay xallin doonaan murannada ka dhasha doorashooyinka. Waxaa sidoo kale qorshaha lagu dammaanad qaaday in haweenku ay helaan ugu yaraan 30% kuraasta labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Soo jeedinta Golaha Nabad iyo Nolol ee ku saabsan nidaamka EDR ayaa lagu tilmaamay mid kor u qaadi karta ka qaybgalka shacabka ee doorashooyinka, iyadoo habkan ay adeegsadaan gobollo badan oo ka tirsan Mareykanka iyo dalal kale oo caalamka ah. Wadahadallada siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya (FGS) iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (SFC) oo soo dhammaaday ayaa waxaa ka soo baxay: In muddo laba toddobaad gudahood ah lagu ansixiyo habraaca Hirgelinta Doorashooyinka Ku-meelgaarka ah (TEIF) Isla markii la gaaro heshiiska ka dib. GMS ayaa sheegay in Doorashooyinka Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka waa in la dhammaystiraa muddo seddex bilood gudahood. Doorashada Baarlamaanka Federaalka iyo Doorashada Madaxweynaha waxaa lagu soo gabagabeynayaa lix bilood gudahood. Natiijooyinka La Filayo (Expected Outcomes) ayaa waxaa ka mid ah Ka-qaybgal toos ah oo shacabka ah waxa eyna Dadka Soomaaliyeed si toos ah u dooranayaan wakiilladooda markii ugu horreysay inta lagu jiro marxaladdan ku-meelgaarka ah. Sharciyad dheeraad ah: Xildhibaannadu waxay awooddooda ka helayaan codka shacabka, halkii ay ka heli lahaayeen ergooyin. Yaraynta xiisadaha siyaasadeed: Heshiis loo dhan yahay wuxuu xoojinayaa wadajirka iyo isku duubnida qaranka. Jid u gogol xaaridda nidaamka “Qof iyo Cod” (1P1V): Waxay dhisaysaa saldhigga doorashooyin mustaqbalka oo qof walba uu hal cod leeyahay.
ISHA-WAKAALADDO.