XUUTIYIINTA YEMAN OO XALAY XIRAY SHAQAALE HORLEH KANA TIRSAN QM.

(SAWIRKA)XARUNTA UN-KA SANCA YEMAN.

(SANA’A/YEMEN)-Tana iyo markii Isra’iil ey ku guuleysatay iney disho Reysal Wasaaraha iyo xubno fara badan oo ka wada tirsan Golihiisa Xukuumadda Xuutiyiinta ee caalamku aanuu aqoonsaneyn, ayey Xuutiyiintu waxa ey u jiheysteen iney soo xirxiraan dhammaan shaqaalaha u shaqeeyo Hayadaha Qaramada Midoobe ee fadhigoodu yahay magaaladda Caasimadda ah ee Sanca ee iyagu ey ka taliyaan. Arrintaan ayaa waxaa horay uga hadlay Afhayeenka Qaramada Midoobe waxa uuna sheegay iney been tahay eedeymaha ey kooxda Xuutiyiinta u soo jeediyeen shaqaalaha Qaramada Midoobe ee ku sugan magaaladda Sanca, Xuutiyiinta ayaa shaqaalaha QM ku eedeeyey iney la shaqeeyaan Sirdoonka Isra’iil ee Moosaad taasine ey keentay in hal mar la dilo tiro badan oo ka tirsan xukuumadda Xuutiyiinta uuna ka mid yahay Reysal Wasaaraha. Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta SUUQBACAAD MEDIA.COM, wakiil wareedkeeda ku sugan caasimadda Sanca ee dalka ayaa soo sheegay in kooxda Xuutiyiinta ey habeenkii xalay oo khamiis ahayd ey xabsiga u taxaabeen shaqaale cusub kana tirsan Hayadaha Qaramada Midoobe kuwaaso tiradooda lagu sheegay iney dhan tahay ilaa todobo qofood,dhammaan shaqaalaha xalay lagu xiray magaaladda Sanca ayaa wada ah Yamaniyiin,waxa eyna kala yihiin:

(1)-Aman AL-shafi,waa sarkaalad ka tirsan Maareynta Adeega(Waaxda Dhaqaalaha) Barnaamijka Cuntada Adduunka ee WFP.

(2)- Ibrahim AL-Maqalix, shaqaale ka tirsan Maareeynta Adeegyada ee WFP.

(3)-Gaazi AL-Eryaani, Makaanik ka tirsan Waaxda Maareynta Gaadiidka ee WFP.

(4)-Maxamud Cubeyd, Darawal ka tirsan WFP.

(5)-Najiib Dirham, Naqshadeeye ka tirsan Waaxda Kormeerka iyo Qiimeynta,ee WFP.

(6)-Shuceyb Cabdallah,Shaqaale ka tirsan Waaxda Adeegyadda (Waaxda Dhaqaalaha) ee WFP.

(7)-Cala’a Cabdaw, Shaqaale ka tirsan Waaxda Teknoolojiyadda Macluumaadka(IT) ee Xarunta Guryaha ee Qaramadda Midoobe(UNCAF).

SUUQBACAAD MEDIA/SANA’A-YEMAN.

Previous
Previous

RUNTA LA QARIYEY EE KU SAABSAN G/BANADIR HALKAAN KA AKHRISO.

Next
Next

MW-XASAN SHEEKH MAXAMUD OO LA KULMI DOONA MADAXDA DG H/SHABELE,G/MUDUG IYO K/GALBEED.