RUNTA LA QARIYEY EE KU SAABSAN G/BANADIR HALKAAN KA AKHRISO.
(SAWIRKA)-KHARIIDADA SAXDA AH.
(MUQDISHO)-Shirkii ey yeesheen Golaha Wasiiradda Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya maalintii Khamiista ee la soo dhaafay ayey ku Ansixiyeen in degmooyinka Gobolka Banadir loo qeybiyo laba qeybood(A&B) kuwaso kala ah kuwii jiray Dawladdii Kacaanka ka hor iyo kuwii ey abuurtay Dawladii Kacaanka,waxaane daaqadda laga saaray dhammaan degmooyinkii la sameeyey waqtigii ey jireen dawladihii ku meel gaarka ahaa. Arrintaan ayaa waxaa ka hadlay Prof. Yaxye Sheekh Caamir Sheekh Ibraahim kana mid aqoonyahanada u dhashay degaanka Banaadir,waxa uuna si cad u sheegay in Golaha Wasiiradda XFS eysan awood u leheyn iney Gobolka Banadir iyagu u qeybiyaan sida ey rabaan ee ah A&B balse arrinku yahay mid uu yaalo dadka degan Gobolka Banadir. Hadaba Prof. Yaxye Sheekh Caamir Sheekh Ibraahim-Yare oo daba joogo qoraalkii Golaha Wasiiradda XFS ayaa maanta oo Sabti waxa uu bartiisa Facebook-ga soo dhigay qoraal uu si cad ugu faahfaahinaayo dhagarta ku hoos duugan Qoraalkii ey soo saareen Golaha Wasiiradda XFS khamiistii la soo dhaafay, waxa uuna Qoraalkiisa ku yiri: RUNTA LA QARIYEY:
Dulmi maamul ee laguu duugo, waa ka daran yahay Miino laguu duugay. Waxaa Degmooyinka Gobalka Banadir loo qeybiyay, A, B, O. Iyada oo la tixraacayo Go'aanadii Garowe 1&2, waxaa la yiri: Degmooyinkii Maxamed Siyaad magacaabay Waa A, Golahooda Deegaankuna waa 27 Xildhibaan Degmadiiba. Kuwii ka horeeyayna waa B, Golahooduna waa 21 xildhibaan degmadiiba, kuwii ka dambeeyeyna ma laha Xildhibaano oo waa Zero. Madaxdii ka dambeeysay Kacaankii waxa ay magacaabeen Degmooyin Baahi Bulsho darteed, waxaa lagu soo saaray Dekareeto Madaxweyne iyo Faafinta Rasmiga ah oo Qaranka. Waxaa loo magacaabay Madax, waxaa loo dhisay Maamul, Hadana waxaa la yiri: Ma jiraan. Taasi waxa ay keenee, in Madaxdii Kacaanka ka dambeeysay in Dekaretadoodu ayna jiran, xata Ciidamadii ay dalacsiiyeen iyo Xilalalkii kale oo ay magacaabeen, waxaa la gali karaa su'aal. Degmooyinka laga tagay ee kala ah “Gubadleey, Daaru Salaam, Kaxda iyo Garaabaaleey”, Waxaa ku nool bulshada ugu badan Magaalada. Runtii waxaan tagay Degmada Gubadleey, Waxaan arkay in ay tahay Degmada ugu Dadka Badan Magaalada, Haddii Qof kale ii sheegi lahaa oo aanan indhaheeyga ku soo arki leheyn waxaan dhihi lahaa waa been, been, Laakin markaan tagay ayaan xaqiiqsaday. Haddana Dadka ku nool degmooyinkaas laga tagay waxaa la yiri: u codeeya Degmooyinka deriska idinla ah ee loo ogolaaday iney yeeshaan Gole deegaan. Degmooyinkii Jiray waqtigii Xuriyadda iyo kacaanka ka hor waxaa lagu soo koobay 7 Degmo oo leh min 21 Xubnood, kuwii Kacaankana waxaa lagu soo koobay 9 degmo oo leh min 27 Xubnood. Si marka laga hadlayo Masiirka Gobalka Banadir looga bato Degmooyinkii Asaloowga ahaa. Haddii aad fiiriso Shaxda Hayadda NOVA ee aan leheyn Tixraac Hayadeed, haddana waxaa kuu muuqda in 4-ta Degmo ee laga tagay ay baaxad ahaan yihiin Magaalada barkeed. Degmooyinka qaarna dhulkooda la soo yareeyay sida Degmooyinka Hodon iyo yaqshiid.(F.S:1aad). Heshiiskii Garowe 1&2, Xamar ka sukoow waxaa lagu dabaqay Gobalada qaar. Waxaa ka sii daran Waxa ay soo waddo Haydda Qorshaha - Qaranka lagana dhigay Hayad lehna Miisaaniyad ka badan ilaa 4-Wasaaradood oo heer Qaran ah, taa oo Hore u dhaqan galisay waxa ay caalamka la wadaagtay Baritaan Cilmeeyd ay sheegeen in ay ku sameeyeen, degmooyinka Jowhar, Balcad, Baledweyne iyo Buula burde in Maamul Gobaleedka Hirshabeele uu ku suganyahay heerka "Humanitarian Aid" Baahiyuna ka jirto, oo aan laga qaban karin Mashaariic Horuumarineed, laakin Gobalada kale qaar aan Baahiyo ka jirin ayna gaareen Heerka "Development" oo laga qaban karo Mashaariicda Horuumarinta, taana Caalamku uu ka qaatay, waxa ka daran waxa ay soo wadaan marka ay soo gudbiyaan Tirada Dadka Labda shabeele iyo Mogdishu oo ay ku doodayaan Dad badani kuma noolo, degmooyin aan la deganeeynna ay u soo qoraan Dad badan, Caalmkuna taa ayuu qaadanayaa, Xildhibaanada Heer Qaranna taa ayaa lagu saleey doonaa Mustaqbalka, xataa haddii Dowladu diido tooda ayaa soconee, waxa ay weeydiisteen World Bank lacag dhan $ 250 million, waxaa loo ogolaaday $ 50 million waxaa weliba u sii dheer in Miisaaniyadda Dowladana loogu daray lacag ka badan tan Wasaaradaha Qaar. Xaq ayaad u leedahay in aad ogaato Xaqiiqda Maamul ee Dalkaaga ka jirto. Haddii aad doonto ha aaminin Qoraalkeeyga. Adiguba sameey Baritaan Adigaa i aamini doontid oo yaabi doono. Ha u qaadan in aan Dad/Maamul gaar ah aan ku xumeynaayo. Waxaan kula wadaagi doonaa haddii Allaah idmo, Xogta maamul ee Hayadaha Heer Federaal iyo Heer Maamul Gobaleed ee Dalka iyo Cadeeymahooda. Walaalayaalow, Ummadda Somaaliyeed meel kasta oo ay joogto yaan Xaqooda la duudsin oon la dulmin, oo aan la abuurin khilaaf iyo Colaad aan hadda jirin
FG: wixii ka khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar.
Qore:Yahya Amir