MW-XASAN SHEEKH MAXAMUD OO LA KULMI DOONA MADAXDA DG H/SHABELE,G/MUDUG IYO K/GALBEED.
(SAWIRKA)-ARCHIVIA.
(MUQDISHO)-BREAKING NEWS: Xog hoose ey heshay Warbaahinta SUUQBACAAD MEDIA.COM gaar ahaan Xafiiska Muqdisho ayaa tibaaxeysa in dhawaan ey shir isugu imaan doonaan Madaxweynayaasha Seddexda Maamul Goboleed ee kala ah Galmudug, H/Shabeele iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya,ujeedka shirka Villa Somalia ka dhici doonoo ayaa lagu sheegay inuu yahay mid salka ku haayo sidii looga wada arrinsan lahaa qodobadda uu wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamud uu hogaaminaayo ee lagu wado iney dhawaan gaaraan caasimadda ku meel gaarka ah ee Dawlad Goboleedka Jubaland ee Kismaayo. Arrintaan ayaa imaaneysa ka dib markii uu booqasho gaaban dalka Itoobiya uu ku tegay Madaxwyne Xasan Sheekh Maxamud,waxa uuna halkaasi kula soo kulmay Reysal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed,sida la soo sheegeyna waxa ey isla qaadaa dhigeen khilaafka u dhexeeyo Jubaland iyo DFS,waxaane markaan la filaa in labada dhinac(Jubaland iyo DFS) iney gaari doonaan heshiis aan la shaacin nuuca uu yahay balse ah mid dhinici doono kulankaan labaad ey yeelanayaan labada dhinac. Khilaafka Jubaland iyo DFS ayaa soo bilawday ka dib markii Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe uu isaga baxay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu isaga xubin buuxda ka ahaa iyo isaga oo qabsaday Doorasho gaar ah uu isku caleema saaray,halka DFS ey ka sugeysay in Hogaamiyaha Jubaland Madiibe inuu la mid noqdo seddexda Dawlad Goboleed ee kale ee raba iney degaanadooda ka qabtaan Doorasho Q&C ah eyna ka qeybgalaan dhammaan dadka degan degaanadaas.
SUUQBACAAD MEDIA/MUQDISHO-SOMALIA.