XULKA SOOMAALIYA OO U SOO GUDBAY SEMI-FINALKA LANA CIYAARI DOONO RWANDA.

(MUUQAALKA)-XULKA K/CAGTA SOOMALAIYA EE KA YAR 17-SANO.

(KIGALI/RWANDA)-Kooxda martigelinaysa koobka Qaramada Afrika ee Rwanda ayaa u gudubtay wareega Semi-finalka ee isreebreebka koobka Qaramada Afrika ee AFCON ee sanadka 2027.  Ka dib markii ay (1-0) kaga badiyeen K/Sudan, Rwanda ayaa )2-0) kaga badisay Sudan ciyaartii labaad ee (Group A) oo ay ku ciyaareen garoonka Kigali Pele habeenkii Arbacada. Pacifique Bahati ayaa laad xor ah(Rigoore) ku dhaliyay daqiiqaddii 44-aad ka dib si ay Rwanda hogaanka ugu qabato horteeda taageerayaasheeda xamaasadda leh ee garoonka. Qeybtii labaad ee ciyaarta kooxda Sudan ayaa difaac ku jirtay, laakiin Valentin Tuyizere oo badal ku soo galay ayaa dhaliyay goolkii labaad isagoo si fiican u dhaliyay. Guushan ayaa ka dhigaysa Rwanda inay hogaanka u qabato (Group A) iyadoo leh (6) dhibcood, haddana waxay u soo baxday inay la ciyaarto Soomaaliya wareega Semi-finalka maalinta Sabtida ah. Soomaaliya ayaa (2-0) kaga badisay Kenya ciyaar ka dhacday (Group C). Maxamuud Cusmaan iyo Cabdullaahi Xaashi ayaa goolasha u dhaliyay kooxda Soomaaliya. Guushaas waxay keentay in Soomaaliya ay ku dhameysato 4 dhibcood isla markaana ay la mid noqoto dhibcaha iyo goolasha la dhaliyay iyo kuwa laga dhaliyay Tanzania. Laakiin Soomaaliya ayaa u gudubtay hoggaanka (Group C) ka dib markii guddiga tartamada CECAFA ay sameeyeen qoray tuurasho sida ku xusan xeerarka CAF ee isreebreebka. Ciyaartii hore ee (Group B) ee Uganda iyo Ethiopia ayaa ku heshiiyay barbaro (1-1) ah. Ka dib markii qeybtii hore ee ciyaarta gool la'aan ah, Ethiopia ayaa hogaanka qabatay ka dib 71 daqiiqo oo uu u dhaliyay Zemichael Minyahel. Laakiin Uganda ayaa barbareysay ciyaarta lix daqiiqo ka dib markii uu dhaliyay Arnold Kayemba. Uganda waxay u soo baxday inay noqoto hoggaanka Group B iyadoo leh 4 gool iyo farqi goolal oo ka wanaagsan Itoobiya. Kooxda Itoobiya ayaa sidoo kale u gudubtay inay noqoto kooxda labaad ee ugu fiican saddexda kooxood. Uganda ayaa hadda la ciyaari doonta Ethiopia ciyaarta ugu horreysa ee semi-finalka, halka Rwanda ay la ciyaari doonto Soomaaliya ciyaarta labaad ee semi-finalka, dhammaantoodna waxaa lagu ciyaari doonaa 17- ka Oktoobar garoonka Kigali Pele Stadium. Kooxda kama dambaysta ah iyo kooxda ku guulaysata isreebreebka ayaa si toos ah ugu soo bixi doonta inay matasho CECAFA Zone Koobka Qaramada Afrika ee U-17 ee TotalEnergies 2027 (AFCON).

ISHA-CECAFA.

Previous
Previous

WASIIR XIL.MAAREEYE OO LAGU DHEGAN YAHAY,MAXAA JIRA?

Next
Next

PUNTLAND OO QABATAY DOON LAGA LEEYAHAY IRAAN IYO SHAQAALIHII LA SOCDAY.