WASIIR XIL.MAAREEYE OO LAGU DHEGAN YAHAY,MAXAA JIRA?
(MUUQAALKA)-GUDIGA BEERAHA EE GOLAHA SHACABKA BJFS.
(MUQDISHO/SOMALIA)-Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer Miyiga, Xoolaha iyo Khayraadka Badda ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ka dalbaday inuu 48 saacadood gudahood ku soo gudbiyo dukumentiyada xubnaha Golaha Hagista Hay’adda Sharciyeynta Adeegyada iyo Baaritaanka Beeraha Soomaaliyeed (SARIS), si loo hubiyo in xulistooda loo maray habraaca sharciga. Guddiga ayaa sheegay in dukumentiyada uu dalbaday ay ka mid yihiin aqoonsiga xubnaha, shahaadooyinkooda waxbarasho, warqadaha dembi la’aanta, taariikh-nololeedyada iyo warqadaha asluub-wanaagga ee Guddiga Shaqaalaha Rayidka Qaranka. Dalabkan ayaa yimid kaddib markii wasiirka Beeraha iyo Waraabka uu ka jawaabay codsi hore oo guddigu ku doonayay xogta xubnaha loo xulay golaha hagista hay’adda. Sida ku cad warqadda guddiga ee 13-kii Oktoobar, wasiirku wuxuu ku dooday in helitaanka macluumaadka shaqsiyaadka uu u xulay golaha aanu ka mid ahayn shaqada guddiga. Hase yeeshee, guddiga ayaa ku adkaystay in codsigiisu waafaqsan yahay awoodaha dastuuriga ah ee Baarlamaanka, isaga oo tixraacay qodobka 95aad ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya, kaas oo dhigaya in labada gole ee Baarlamaanku ay awood u leeyihiin korjoogteynta iyo baaritaanka hay’adaha dowladda. Guddigu wuxuu sidoo kale soo xigtay qodobka 59aad ee xeer-hoosaadka Golaha Shacabka, kaas oo u oggolaanaya guddiyada baarlamaanka inay dowladda iyo hay’adaha kale ka dalbadaan xog iyo warbixinno ay ugu baahan yihiin gudashada waajibaadkooda. Sida uu guddigu sheegay, codsiga xogta ayaa la xiriira hubinta in dhismaha Golaha Hagista SARIS loo maray sharciga tirsigiisu yahay LR.32, ee la soo saaray 24-kii Diseembar 2024, kaas oo lagu aasaasay hay’adda, gaar ahaan qodobka 7aad ee qeexaya shuruudaha xubinnimada golaha. SARIS ayaa ah hay’ad sharciyeysa adeegyada iyo baaritaanka beeraha Soomaaliyeed, waxaana guddigu sheegay inay maamul ahaan ka madax-bannaan tahay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, inkasta oo ay siyaasad ahaan hoos timaaddo wasaaradda. Dhinaca kale, Wasiir Maareeye iyo xildhibaan Mukhtar Maxamed Guuleed ayey arrintaan ka dhex abuurtay iney qoraalo baraha bulshada isu mariyaan. Wasiir Maareeye ayaa yiri” Cadho Qandaraas isii ka kacday oo uu qabo Gudoomiyaha Gudiga Beeraha, Xoolaha iyo Kheyraadka Badda ee Golaha Shacabka keligiis iyo Beeraleyda oo laga been abuurto waxba kama bedeli karto xaqiiqda jirta iyo waxqabadka muuqda ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka. Gudoomiye sidii aan hore dhowr jeer kuugu sheegay, Qandaraasyada Mashaariicdu waa tartan furan, ma ahan wax aan anigu siin karo Company aad wadato oo aan qualified u ahayn ama tartanka furan ku guulaysan. Halka uu Xildhibaan Muktaar Guulee yiri”Wasiir Mohamed A. Hayir Maareeye kuguma soo jawaabayo inaan ku aflagaadeeyo laakiin waxaan markale si Public ah kugu cadeynayaa in Guddiga Beeraha, Horumarinta Reer Miyiga, Xoolaha Iyo Khayraadka Badda ee Golaha Shacabka BJFS uu kugula xisaabtamayo mashaariicda kala duwan ee ay wasaaraddu ku fuliso magaca Beeraleyda Soomaaliyeed, tabashada ay inoo soo gudbiyeena waxaan xaq ugu leenahay wasaaradda Beeraha Iyo Waraabka XFS inaan ku dabogalno wixii sax ka ah iyo wixii aan ka aheyn ee la musuqmaasuqay sida uu dhigayo qodobka 95aad ee Dastuurka JFS iyo qodobka 59aad ee xeerhoosaadka Golaha Shacabka BJFS. F.G: Inkiraada aan inkirtay joogitaanta Xubnaha Xildhibaanada ah ee uu ka mid yahay Guddoomiye Ku xigeenka Guddiga Iyo sharafka aad ugu geftay xubno ka mid ah Beeraleyda Soomaaliyeed ka xisaabtankeedu waa lagama maarmaan.
ISHA-HOL.