PUNTLAND OO QABATAY DOON LAGA LEEYAHAY IRAAN IYO SHAQAALIHII LA SOCDAY.
(MUUQAALKA)-DOONTA LA QABTAY IYO SHAQAALAHEEDII.
(GARAWE/PUNTLAND)-Wararka laga helaayo dawlad Goboleedka Punlanda ayaa sheegaayo in Ciidamada badda Puntland ee PMPF ayaa sheegay in ay qabteen saddex doonyood oo si sharci darro ah uga kalluumeysanayay xeebaha Puntland, kuwaas oo laga leeyahay dalka Iiraan. Doonyaha ayaa lala qabtay in ka badan 60 qof oo ahaa shaqaale, waxaana loo gudbiyay degmada Caluula ee gobolka Raascasayr, halkaas oo la sheegay in lagu marin doono habraacyada sharciga ah ee quseeya kalluumaysiga sharci-darrada ah. Kalluumeysatada Puntland ayaa inta badan ka cowda maraakiib iyo doonyo shisheeyaha oo jariifa xeebaha, kuwaas oo ay ku jiraan kuwo ay shatiyo siisay dowladda. Ma ah markii ugu horeeysay ey ciidamadda badda Puntlanda ee PMPF ey soo qabtaan doomo kalluumeysi oo aan sharci ka haysan maamulka balse xukuumadda Puntland ayaa arrimaha sidaan ah siyaasadeeysa dabadeedna la macaamisha dalalka laga leeyahay doomaha la qabtay.Dhinaca kale hal bil iyo labo casho ayuu madaxweynaha Puntland Said Deni ka maqanyahay Puntland. safarkiisa warbixin rasmi ah lagama hayo, Shaqaalaha Madaxtooyada iyo masuul dawladeed oo la safray ma jiro, cid warbixin bulshada siin karta ma jirto. meel uu ku sugan-yahan faahfaahin rasmi ah lagama hayo. Mudadaas bisha iyo dheeraadka ilaa dhawr amar ayuu taleefoonka kasoo bixiyay Madaxweynuhu, oo ay ugu danbaysay inuu amray hal bil oo mushahar ah in ciidanka la siiyo. sidoo kale waxa uu xirtay khasnada Puntland markii uu baxayay, isaggoo amray inaan wax kharash laga saari-karin, wixii uusoo amro mooyee. Si kooban mudada xil-haynta Madaxweyne Deni ee Puntland oo ku gaaraysa 8 sano, waxaa si weyn loogu dhaliilayaa inuu macno tiray hay’adihii dawlada, isaggoo u safra si ka fog hanaanka masuul xil haya, keligiis ayaa baxa, intuu doono maqnaado, soona laabta. dhamaan safaradaas waxaa loo adeegsadaa cashuurtii dadka reer Puntland.
ISHA-wakaaladdo.