JADWALKA DOORASHADA MADAXWEYNAHA G/MUDUG OO LA SOO SAARAY.

(MUUQAALKA)-JADWALKA.

(MUQDISHO/SOMALIA)-Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (NIEBC) ayaa shaaciyay jadwalka guud ee doorashada guddoonka Golaha Wakiillada iyo hoggaanka dowlad-goboleedka Galmudug, iyadoo doorashooyinka la qorsheeyay inay dhacaan inta u dhexeysa 13-ka iyo 22-ka Oktoobar 2026. Sida ku cad jadwalka uu guddigu soo saaray, waxaa 13-ka Oktoobar la shaacinayaa Golaha Wakiillada Galmudug, halka 14-ka iyo 15-ka Oktoobar loo qorsheeyay diyaar-garowga xildhibaannada. Dhaarinta Golaha Wakiillada ayaa dhici doonta 16-ka Oktoobar. Sidoo kale, 17-ka Oktoobar ayaa la qabanayaa araajida musharraxiinta u tartamaya guddoonka iyo ku-xigeennada Golaha Wakiillada, halka 18-ka Oktoobar loo asteeyay khudbadaha musharraxiinta iyo doorashada guddoonka baarlamaanka. Dhanka doorashada hoggaanka dowlad-goboleedka Galmudug, guddigu wuxuu sheegay in 19-ka iyo 20-ka Oktoobar la qaban doono araajida musharraxiinta u tartamaya xilalka hoggaamiyaha iyo ku-xigeenkiisa. Musharraxiinta ayaa khudbadahooda jeedin doona 21-ka Oktoobar, halka doorashada hoggaamiyaha Galmudug iyo ku-xigeenkiisa loo asteeyay 22-ka Oktoobar. Jadwalkan ayaa qeexaya marxaladaha doorashada hoggaanka baarlamaanka iyo maamulka Galmudug. Hase yeeshee, faahfaahinta ku saabsan musharraxiinta tartamaya iyo habraacyada kale ee doorashada kuma jiraan jadwalka la shaaciyay.

SIAHA-HOL.

Previous
Previous

PUNTLAND OO QABATAY DOON LAGA LEEYAHAY IRAAN IYO SHAQAALIHII LA SOCDAY.

Next
Next

DFS OO CUNAQABATEYN SAARTAY MADAXDII HORE EE KGS.