XUBIN KA TIRSAN GOLAHA DEGAANKA DANVILLE OO LA GUBAY.

(SAWIRKA)-LEE VOGLER.

(VIRGINIA)-Wararka laga helaayo Gobolka Virginiya ee dalka Maraykanka ayaa sheegaayo in Nin uu si ula kac ah uu dab u qabadsiiyay xubin ka tirsan Golaha Deegaanka ee Gobolka Virginiya ka dib markii uu soo galay Xafiiskiisa oo ku dhex yaal Majalad maxali ah laguna magacaabo SHAWCASE MAGAZINE booliska ayaa sheegay Arbacada maanta ah. Maamulka ayaa sheegay in baarayaashu ay rumeysan yihiin in weerarku uu ka yimid "Arrin shakhsi ah" ee uusan xiriir la lahayn dhibbanaha, Dhaqdhaqaaqa Siyaasadeed ee Lee Vogler ama shaqadiisa xubin Golaha deegaanka. Vogler, 38, waa sarkaal laga soo doortay degaankaDanville ee Gobolka Virginia. Booliska ayaa sheegay in tuhmanuhu uu galay Xafiiska Vogler, halkaasoo uu u shaqeeyo Majalad maxali ah, si toos ah isaga hor yimid, oo ku shubay GAAS. Booliiska ayaa sheegay in labada nin ay ka tageen dhismaha, waxaana 29-jirka la tuhunsan yahay uu dab qabadsiiyay Vogler. Booliisku waxay kaxeysteen tuhmanaha, Shotsie Michael Buck Hayes (Danville), waxayna ku soo oogeen iskuday dil heerka koowaad ah iyo weerar daran. Lee Vogler ayaa loo qaaday qeybta gubashada ee Isbitaal ku yaal degmada Chapel Hill ee Gobolka Waqooyiga Karolayna.

ISHA-AA.

Previous
Previous

GOLAHA WASIIRA EE XFS OO MAANTA YEESHAY KULANKOODII TODOBAADLAHA AHAA.

Next
Next

MW-CIRRO OO EEDEEYEY SOOMALIYA KA DIB MARKII UU BIXIYEY WAREYSI.