GOLAHA WASIIRA EE XFS OO MAANTA YEESHAY KULANKOODII TODOBAADLAHA AHAA.
(SWIRKA)-GOLAHA WASIIRADA.
(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, eyku bogaadiyeen Ciidanka Qaranka, masuuliyadda iyo xilkasnimada ey muujiyeen, si looga hortago khasaaraha gaari lahaa shacabka degmada Balad-Xaawo. Waxaana Goluhu ku ammaanay qeybaha kala duwan ee bulshada ee garab istaagga u muujiyeen dowladnimada iyo ka shaqeynta Nabadda Gobolka Gedo, haddana ey shaqeynayaan Xaruumihii Dowladda ee bixin jiray adeegga-yadda. Golaha Wasiirrada, ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka ah ey mudnaanta siineyso dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah, hadafkeeduna uu yahay sidii shacabka Soomaaliyeed ey u heli lahaayeen Nabad, Xasillooni iyo adeeg dowladeed oo dhammaystiran, cid kasta oo ka shaqeynaysa daganaansho la’aanna ey carqaladeynayso dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah. Kulanka Golaha Wasiirrada oo uu Guddoominayey Raysal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Xeer-Nidaamiyaha Dhijitaalka Nidaamka Maareynta Maaliyadda, iyo Xisaab-xirka sanadeedkii 2024. Dagaalka degmada B/xaawo ee G/Gedo ayaa bilawday dhawr maalmood ka hor ka dib markii uu halkaasi gaaray Taliyaha Hayadda Nabadda Sugdda iyo Sirdoonka G/Gedo Taliye C/rashiid Janan,waxaane dagaalkii ugu cuslaa uu dhacay shalay ilaa xalay,waxaane si fiican looga itaal roonaaday Ciidamadii ka socday DG Jubaland kuwaaso markii hore iyagu ku sugnaay gudaha magaaladda B/xaawo. Warar ayaa sheegaayo in ciidamadii Jubaland ee isaga baxay magaaladda B/xaawo iney gaareen degaanka Mandheere ee G/Waqooyi-Bari Kenya.
ISHA-SNTV.