MW-CIRRO OO EEDEEYEY SOOMALIYA KA DIB MARKII UU BIXIYEY WAREYSI.

(SAWIRKA)-MW-CIRRO.

(SOMALILAND)-Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa  sheegay in aanu hadda diyaar u ahayn in wadahadal lala furo dowladda Soomaaliya, isaga oo ku eedeeyay Muqdisho inay faragelin iyo xadgudub ku hayso Madaxbannaanida dhuleed ee Somaliland. “Soomaaliya wadahadal lama yeelan karto Somaliland, iyada oo qayb Somaliland ka mid ah goynaysa oo ka samaynaysa maamul gaar ah" ayuu yiri Madaxweyne Cirro oo u waramay Bloomberg. "Waxaanu nahay qaran nabada jecel, lakiin Somaliland way awooda in ay difaacdo dhulkeeda iyo dadkeeda." Hadalkan waxa uu imanayo xilli xiisado siyaasadeed oo is-daba joog ah ay ka dhex taagan yihiin labada dhinac, iyada oo Somaliland ay ka carootay taageerada ay Muqdisho u muujisay maamulka SSC Khaatumo, ee  laga dhisayo magaalada Laascaanood oo ay Somaliland hore uga talin jirtay. Somaliland ayaa dhismaha maamulka SSC Khaatumo u aragta xadgudub lagula kacay Madaxbaanideeda dhuleed, madaama Gobolka Sool uu ku jiro xuduudiihii Ingiriiska. Somaliland waxay sheegtay in bilowgii wadahadalada lagu heshiiyay in aan la is faragelin, oo loo wada hadlo sidii laba dhinac oo siman taasina ay hada meesha ka baxday. Dhanka kale, Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa Axaddii sheegay in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah dowladda Soomaaliya, isla markaana aan loo wadahadli doonin sidii laba dhinac oo kala Madaxbannaan. “Somaliland waa gobol ka mid ah Soomaaliya. Istaraatiijiyaddeennu waxay tahay in khilaafaadka gudaha lagu xalliyo hannaan dastuuri ah oo dhexdeena ah. Haddii saaxiib dibadeed uu doonayo inuu naga taageero arrintaas, waan soo dhoweynaynaa, balse ma aqbaleyno in loo eego sidii laba dhinac oo kala madaxbannaan oo u baahan dhexdhexaadin caalami ah,” ayuu yiri Cali Balcad. Wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya waxay si rasmi ah u bilaabmeen sanadkii 2012, iyada oo labada dhinac kulamo ku yeesheen UK, Turkiga, Jabuuti, iyo meelo kale. Ujeeddada wadahadalladaas ayaa ahayd in la helo is-faham siyaasadeed oo ku saabsan mustaqbalka labada dhinac, iyadoo Somaliland dooneyso in loo aqoonsado dowlad madaxbannaan, halka Soomaaliyana ay doonayso midnimo qaran. Si kastaba ha ahaatee, wadahadallada oo muddado dheer socday ayaa marar badan hakad galay ama burburay, sababo la xidhiidha kalsooni darrada labada dhinac, faragelin dhinacyo saddexaad, iyo aragtiyahooda oo si weyn u kala fog. 

ISHA-HOL.

Previous
Previous

XUBIN KA TIRSAN GOLAHA DEGAANKA DANVILLE OO LA GUBAY.

Next
Next

SOOMAALIYA IYO JABUUTI OO KALA SAXIIXDAY HESHIIS DHINACA AMNIGA AH.