XOOLO NOOL AYAA MAANTA LA GAARSIIYEY CXDS EE DEG.C/DHEER.

(SAWIRKA)-XOOLAHA LA GAARSIIYEY CXDS EE C/DHEER.

(CEELDHEER)-Maamulka degmada Ceeldheer oo wakiil ka ahaa bulshada deegaanka oo isugu jiray Ganacsato, Qurbo-joog, Odayaal dhaqameed iyo Saraakiil, ayaa maanta Deeq Xoolo nool ah ku wareejiyay Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Munaasabadda wareejinta xoolahan waxaa goob-joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Generaal Khaalid), Taliyihii hore ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka, Generaal Cabdiraxmaan Tuuryare, Taliyaha Booliiska Hirshabelle, Generaal Xasan Dhicisow, iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Generaal Xasan Dhicisow ayaa deeqdan, oo ka koobnayd laba boqol neef oo Ari ah iyo Afar neef oo Geel ah, ku wareejiyay Taliyaha Ciidanka Dhulka. Taliyaha Ciidanka Dhulka Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo la wareegay xoolaha, ayaa maamulka degmada, Saraakiisha, Ganacsatada, Odayaasha dhaqanka iyo bulshada deegaanka uga mahadceliyay garab-istaagga iyo dadaalka joogtada ah oo ey ku garab taagan yihiin geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka. Xoolahan oo iskugu jira Ari iyo Geel, ayaa loogu talagalay taageerada ciidanka, kuwaasoo dhowaan degmada Ceeldheer casharro culus ugu dhigay maleeshiyaadkii khawaarijta ee deegaanka lagu soo qaldey.

XIGASHO-SNTV.


Previous
Previous

HORJOOGAYAAL ALSHABAAB AH OO LAGU DILAY B/MAREER.

Next
Next

AFRICOM OO SHEEGTAY INEY DUQEYN KA FULISAY AGAGAARKA CEELDHEER.