AFRICOM OO SHEEGTAY INEY DUQEYN KA FULISAY AGAGAARKA CEELDHEER.

(SAWIRKA)-DRONES.

(AFRICOM)-BREAKING NEWS: Wararka aan ka heleyno Ciidamadda Maraykanka ee ka hawlagala Qaaradda Afrika ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano AFRICOM ayaa sheegaayo in iyagoo kaashanaayo Dawladda Federaalka soomaaliya ey qaadeen weerar dhinac cirka ah kaaso lagu bartilmaameedsaday Maleeshiyadda kooxda ALshabaab taariikhdu markeey ahayd 12-kii sebtembar-2025-ka. Duqeynta ey fulisay AFRICIM ayaa ka dhacday agagaarka degaano u dhaw degmada Ceeldheer ee bariga Galgaduud taaso magaladda Caasimadda ah ee Muqdisho u jirta 288-kiiloomitir, waxa eyna Muqdisho uga beegan tahay dhinaca Waqooyi-Bari. Hawlgalka AFRICOM oo ey wehliyaan Ciidamadda Qalabka Sida Soomaaliya ayaa sii wada tallaabooyinka ey ku wiiqayaan awooda kooxda ALshabaab oo ey ku handadayaan dalka Maraykanka, Ciidamadooda iyo Mawaadiniintooda ku sugan dibadda dalka. Weerarkaan ayaa yimid ka dib markii kooxda ALshabaab ey ku soo jabeen weerar ey soo qorsheeyeen iney ku qabsadaan degmada Ceeldheer kaaso dhacay maalintii Jimcaha ee ina soo dhaaftay, ALshabaab ayaa khasaaro nafo iyo maalba leh kala kulantay Ceeldheer welina waxaa lagu raad joogaa firxadkoodii ku dhuumaaleysanaya Hawdka degmada Ceeldheer.

SUUQBACAAD MEDIA/MUQDISHO.

Previous
Previous

XOOLO NOOL AYAA MAANTA LA GAARSIIYEY CXDS EE DEG.C/DHEER.

Next
Next

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUD OO KA QEYBGELAAYO SHIRKA DOOXA.