MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUD OO KA QEYBGELAAYO SHIRKA DOOXA.

(SAWIRKA)-SHIRKA DOOXA.

(DOHA/QATAR)-Shir Madaxeedka Dalalka Carabta iyo Islaamka oo maanta ka furmaya magaalada Dooxa, ayaa la filayaa in lagu taageero Qatar, ka dib Weerarkii Isre’iil ee todobaadkii hore lagu bartilmaameedsaday Kooxda Xamaas ee ku sugan gudah wadamadda Khalijka Carabta. Qoraal qabyo ah oo ka mid ah qaraarka ey ka fiirsan doonaan Madaxda Dowladuhu waxay cambaareeyeen weerarka Israa'iil oo ey ku tilmaameen mid xasillooni darro ah oo sii kordhaysa waxayna sheegeen in dawladuhu ey ka soo horjeedaan "Qorshayaasha ey Israa'iil ku doonayso iney ku soo rogto xaqiiqo cusub oo Gobolka ah." Qoraalka qabyada ah oo ey aragtay Wakaaladda Wararka ee Reuters, laguma xusin wax dhaqdhaqaaq diblomaasiyadeed iyo mid dhaqaale oo ka dhan ah Israa’iil. Qaraarka ayaa laga yaabaa inuu isbedelo ka hor inta eysan Madaxdu ku kulmin Doha Isniinta. Weerarkan oo Xamaas ey sheegtay in lagu dilay shan ka mid ah xubnahooda balse eysan ahayn Hoggaamiyeyaa, ayaa keenay in dalalka Khaliijka Carabta ee xulafada la ah Mareykanka iney isku xiraan, taasoo sii kordhisay cilaaqaadka u dhaxeeya Imaaraadka Carabta iyo Israa’iil, kaasoo caadi ka dhigay xiriirkooda sanadka 2020-ka. Shir madaxeedka deg dega ah oo ey isugu yimaadeen xubnaha Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka, ayaa ku billowday shir ey yeesheen Wasiirrada Arrimaha Dibadda maalinta oo Axada ah, si ey u dejiyaan Qaraarka qabyada ah. Isu imaatinku waa fariin ah "Qadar kaligeed maaha... iyo in dawladaha Carabta iyo kuwa Islaamkuba ey garab taagan yihiin," ayuu Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Axmed Abuul Gheyt u sheegay Wargeyska Asharq AL-Awsat.

NETANYAHU CUSBOONAYSIIN

Isaga oo dib ugu celinaya cambaareynta caalamiga ah ee weerarkii 9-kii Sebtembar, Raysal Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, waxa uu weli cadaadis ku saaray Qatar joogitaanka hoggaamiyeyaasha Xamaas ee dhulkeeda, isagoo uga digay Doha Arbacadii iney erido mas’uuliyiinta Xamaas ama “in la horkeeno caddaaladda, sababtoo ah haddii aadan yeelin, waan sameyn doonnaa”. Qatar, oo ah dhexdhexaadiyaha muhiimka ah ee dadaallada loogu talagalay in lagu soo afjaro dagaalka Gaza ee ku dhawaad ​​laba sano socday , ayaa ku eedaysay Israa'iil in ey wiiqayso fursadaha nabadda iyo Netanyahu oo ku dhaqmaya "Argagixiso dawladeed". Xubin ka tirsan ciidamada ammaanka ee dalka Qatar ayaa ka mid ah dadka la dilay. Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa muujiyay sida aanu ugu faraxsanayn weerarka Israa'iil, isagoo sheegay in aaney horay u marin hadafyada Israa'iil iyo Maraykanka, isagoo Qatar ku tilmaamay mid aad ugu dhow oo ka shaqaynaysa nabadaynta. Waxa uu sidoo kale sheegay in baabi'inta Xamaas ey tahay " hadaf mudan". Weerarka ka dib, waxa uu u sheegay Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Xamad AL-Thani in "Arrintan oo kale eysan dib uga dhici doonin dhulkooda". Netanyahu ayaa Sabtidii sheegay in ka takhalusidda hoggaamiyeyaasha Xamaas ee ku nool Qatar ey meesha ka saarayso caqabadda ugu weyn ee hortaagan sii deynta la haystayaasha weli ey kooxda ku haysato Qaza iyo soo afjaridda dagaalka ka billowday weerarradii kooxda xagjirka ah ee bishii Oktoobar 7, 2023. Imaaraatka oo ah xulafada Maraykanka iyo Carabta ugu caansan si ey caadi uga dhigaan xiriirka ey la leeyihiin Isra’l sida uu dhigayo heshiiskii Abraham, ayaa Jimcihii u yeeray safiir Ku Xigeenka Isra’iil weerarka iyo hadaladii xigay ee Netanyahu oo ey ku tilmaantay cadaawad. Imaaraatka Carabta ayaa ku tilmaamay xasiloonida Qatar iney tahay “Qeyb aan la kala sooci karin oo ka mid ah Amniga iyo Xasiloonida dalalka Golaha Iskaashiga Khaliijka” oo uu Sacuudiga ku jiro. Ololaha Israa’iil ee Qaza ayaa dilay in ka badan 64,000 oo qof sida ey sheegeen mas’uuliyiinta deegaanka. Israa'iil ayaa ololaheeda billowday ka dib weerarkii 7-dii Oktoobar oo ey ku dhinteen 1,200 oo qof, ayna ku qabsadeen 251 la haystayaal ah, sida laga soo xigtay tirooyinka Israa'iil. Xamaas ayaa weli gacanta ku haysa 48 la haystayaal ah, Qatar ayaa ka mid ahayd dhexdhexaadiyeyaasha, oo ey weheliyaan Maraykanka, oo isku dayaya in ey xaqiijiyaan heshiis xabbad-joojin ah oo ey ku jirto sii deynta Maxaabiista. Agendaha Shirka Madaxda Wadamadda Carabta iyo kuwa Islaamka ee Dooxa beeri ka furmi doono ayaa waxaa ka mid ah: (1)-Cambaareynta Weerararka Isra’iil ee dalka Qadar. (2)-Soo saaridda War-Murtiyeed ey si wadajira ah u soo saarayaan Wadamadda Carabta iyo Islaamka. (3)-Taageeridda Madax banaanidda dalka Qadar. (4)-Soo afjaridda dagaalka Marinka Gaza. (5)-Xal laba Dawladood,arrintaan ayaa Xogahayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaaka(OIC) iyo kuwa kale waxay ku celin doonaa muhimadda ey leedahay in xal laba dawladood ah lagu dhammaeeyo Khilaafka. (6)-La xisaabtanka Dembiyadda Dagaalka. (7)-Xoojita dadaaladda Dhexdhexaadinta.

XIGASHO WAKAALADDO.

Previous
Previous

AFRICOM OO SHEEGTAY INEY DUQEYN KA FULISAY AGAGAARKA CEELDHEER.

Next
Next

NIN HUBEYSAN OO SOO GAARAY SUUQA WEYN EE KARMEL MALL EE MAGAALADDA MINNEAPOLIS.