NIN HUBEYSAN OO SOO GAARAY SUUQA WEYN EE KARMEL MALL EE MAGAALADDA MINNEAPOLIS.

(SAWIRKA)-BOOLISKA MINNEAPOLIS.

(MINNEAPOLIS)-BREAKING NEWS: Wararka aan ka heleyno magaaladda Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa sheegayo in booliiska magaaladda Minneapolis ey qabteen nin qori wata kaasoo yimid Suuqa Caanka ah ey Soomaalidu leedahay Karmel Mall. Qaar ka mid ah dadweynaha joogay banaanka Suuqa Karmel Mall ayaa arkay nin Cadaan ah oo Qori u saaran yahay dhanka hore ee baabuur uu watay, waxayna isla markiiba waceen Taleefanka Gurmadka deg-dega ah ee dalka Maraykanka ee (911). Waxaane Suuqa Karmel Mall si deg deg ah ku soo gaaray ciidamadda Booliiska waxa ey gacanta ku dhigeen ninkii cadaanka ah ee Hubka watay, waxa eyna isla markiiba ey goobta ka jiideen gaarigii uu watay ninkii hubeysnaa,isagiina waxa ey u wateen dhinaca saldhiga booliska si ey baaritaan ugu sameeyaan. Lama oga sababta uu ninkaan cadaanka ah uu maanta ugu soo hub qaatay Suuqa caanka ah ee Karmel Mall, balse booliska ayaa laga war sugayaa wixii war ah ee uu ka soo saaro saacadaha soo socdo.

ISHA-SB-MEDIA.

Previous
Previous

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUD OO KA QEYBGELAAYO SHIRKA DOOXA.

Next
Next

GUDOOMIYE ADEN MADOOBE OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRE RICHARD H.RILEY.