GUDOOMIYE ADEN MADOOBE OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRE RICHARD H.RILEY.

(SAWIRKA)-GUD.MADOOBE IYO DANJIRE RICHARD.

(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) uu maanta kulan kula qaatay magaalada Muqdisho Safiirka Dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Richard H. Riley oo ey wehliyaan Ku-Xigeenkiisa Justin Davis iyo Matthew Younger oo ah Madaxa Siyaasadda ee Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, waxaana kulanka diiradda lagu saaray Xoojinta Xiriirka Saaxibtinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka. Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ku amaanay Guddoomiyaha Golaha Shacabka hoggaankiisa iyo kaalinta uu ku leeyahay Horumarinta Shaqooyinka Golaha, gaar ahaan meelmarinta sharciyada muhiimka u ah dowladnimada iyo xoojinta Hay’adaha Dastuuriga ah ee dalka. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa dhankiisa bogaadiyay taageerada joogtada ah ee Dowladda Mareykanka ey siiso Soomaaliya, isagoo xusay kaalinta ey ka qaadato dhinacyada Siyaasadda, Amniga iyo Dhaqaalaha. Ugu dambeyn labada dhinac ayaa isku raacay in lasii adkeeyo xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada kala duwan.

ISHA-SNTV.


Previous
Previous

NIN HUBEYSAN OO SOO GAARAY SUUQA WEYN EE KARMEL MALL EE MAGAALADDA MINNEAPOLIS.

Next
Next

BREAKING NEWS: QARAX KA DHACAY MADRID OO EY KU DHAAWACMEEN 25-QOF.