BREAKING NEWS: QARAX KA DHACAY MADRID OO EY KU DHAAWACMEEN 25-QOF.
(SAWIRKA)-QARAX KA DHACAY SPAIN.
(SPAIN)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Isben ee Mardir ayaa sheegaayo in Qarax ka dhacay Baar ku yaalla caasimadda Madrid Sabtida maanta ah Qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan 25 qof, sida ey mas’uuliyiintu sheegeen. Kooxaha gurmadka deg dega ah ayaa sheegay in laba ka mid ah dhibanayaasha ey ku sugan yihiin xaalad “Halis ah” halka saddexna ey ku sugan yihiin xaalad “laga yaabo iney halis tahay”. Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in Qaraxa, oo ka dhacay baar "Mis Tesoros" 3 pm (0100 GMT) ee degmada Puente de Vallecas ee Madrid ey sabab u tahay gaas soo daatay. Laakiin Inmaculada Sanz, oo ah Ku Xigeenka Duqa Magaalada ahna Ergayga Amniga iyo xaaladaha deg degga ah ee Xarunta Dawladda Hoose ee Madrid, ayaa sheegay in ey weli "aad u adag tahay in la saadaaliyo waxa sababay Qaraxa."
MAXAA KALE OO AAN KA OGNAHAY QARAXA BAARKA MARDID?
Sanz ayaa warbaahinta u sheegay in mas’uuliyiintu ey meesha ka saareen in dhibanayaal badan ey ku hoos jiraan burburka. Waxay intaas ku dartay in dadka deggan sagaalka guri ee dhismaha qayb ka mid ah uu saameeyay Qaraxa "waa in dib loo dejiyo ugu yaraan dhawr maalmood." Dhismaha uu ku taal baarku waa "hadda mid aan degganayn," sida uu sheegay Madaxa dab-damiska Madrid Carlos Marin. Iyadoo qaar ka mid ah guryaha sare eysan waxyeelo gaarin, meesha ey dhibaatadu saameysey waa albaabka laga soo galo, taas oo macnaheedu yahay "gelitaanka dhismaha gabi ahaanba waa wax aan suurtagal ahayn," ayuu yiri Marin.
XIGASHO-DW.