HORJOOGAYAAL ALSHABAAB AH OO MEYDADKOODII MAANTA LA SOO HELAY.

(SAWIRKA)-ABAALMARIN LA SIYEY ASKERIGII GUBAY GAARIGII QARAXA SIDAY.

(CEELDHEER)-Wararka aan ka heleyno degmada Qadiimiga ah ee Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaayo in dagaalkii xooganaa ee shalay ka dhacay degmada Ceelddheer hadda laga helaayo warar dheeri ah kuna saabsan khasaaraha soo gaaray kooxda Alshabaab ee soo weerartay. Shalay oo Jimca ahayd kuna beegneed 12/9/2025-ka saacadu markeey ahayd 5-tii subaxnimo ayey kooxda Alshabaab waxa ey weerar saf balaaran ku soo qaadeen degmada C/dheer, waxa eyna weerarkoodu ku jiheeyeen saldhigyada Ciidamadda DFS iyo kuwa degaanka ee Macaawiisleyda,dagaalka ayaa socday ku dhawaad ilaa todobo saac oo xiriir ah waxaane ugu dambeyntii dhacday in kooxda ALshabaab laga itaal roonaado lana gaarsiiyo khasaare aad u fara badan isla markaasne laga qabsado hub, saansad iyo maxaabiis. Gudoomiyaha degmada C/dheer Md.C/raxmaan Axmed Cumar oo u hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in maanta la soo helay Meydad cusub oo ah kuwii ey kooxda ALshabaab kaga carareen dhaawaca banaanka degmada C/dheer iyo kuwa nool balse qaba dhaawcyo ey la dhaqaaqi kari waayeen,tirada guud ee dhimashada ee Maleeshiyaadka kooxda ALshabaab ayaa hadda gaartay ilaa 100-Maleeshiyo eyna ku jiraan Horjoogayaal hogaaminaayey dagaalka C/dheer. Warbaahinta Qaranka ayaa soo bandhigtay magacyadda Horjoogayaasha dhintay iyo kuwa dhaawaca ah. (1)-Horjoogayaasha la dilay ayaa kala ah: ”C/qani(Amiir Saariyaw), Siciid Ibraahin Cali(Tifaw), Saabir iyo Daadullah”, (2)-Horjoogayaasha dhaawaca ah loona kala qaaday Cawsweyne iyo Galhareeri ayaa kala ah”Macallin Ciise, Takhtar Bishaar, Carab Qamaar”ragaan ayaa la sheegay in dhaawacyadoodu yihiin kuwa aad u culus eyna dhici karto iney u geeriyoodaan. Kooxda ALshabaab ayaa qorsheyneysay iney soo qaado dagaal rogaal celis ah si ey qabsadaan degmada C/dheer waxa eyna isku urursadeen daafaha degmada C/dheer balse uma eysan suurtagalin taasi waxaane duqeyn culus la beegsaday diyaaradaha dagaalka ee ciidamadda XDS,waxaane halkaasi lagu burburiyey oo dambasta noqday gaari la sheegay inuu weday 70—Maleeshiyo oo si aad ah u hubeysnaay. Dhinaca kale, war hadda la soo geliyey Barta Telefishinka Qaranka ee SNTV ayaa sheegaayo in Taliska Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed uu $2000 doolar ku abaalmariyey Askerigii Sebanka ku dhuftay ee gubay Gaarigii koowaad ee siday Qaraxii ey Khawaarijta ku soo weerartay degmada Ceeldheer ee G/Galgaduud,iyadoo askarta kale ee sida geesinimada leh u dagaalantay loo balan qaaday dalacsiin iyo abaalmarino kale. Taliyaha Q-21-aad ee CXDS Korneyl Maxamed Dhegaweyne iyo Taliyaha Q-1-aad ee Kumaandoos GORGOR Korneyl Saahid Jamac Jareer ayaa goob fagaara ah abaalamarintaas lacageedku gudoonsiiyey askerigii fashiliyey gaarigii koowaad ee Qaraxa,kaaso meel fog ku gubtay,isagoo aan geysan wax khasaara ah, ka dib markii laba xabbo oo RPG ah uu askerigaas la helay. Berri oo ah Axad kuna beegan 14/9/2025-ka,ayaa lagu wadaa in Wasiirka G/dhiga ee XFS Md.Axmed Macallin Fiqi iyo taliyaha CXDS GEN. Odawaa Yuusuf Raage iney gaari doonaa degmada C/dheer si halkaasi ugu dhiirigeliyaan Ciidamadii jab xun gaarsiiyey Alshabaab. Dhaawacyadii CXDS iyo xoogaga xaq u dirirka ah ee degaanka ee laga soo qaaday degmada C/dheer ayaa maanta soo gaaray caasimadda Muqdisho waxaane halkaasi ku soo booqday Masuuliyiin iyo saraakiil ka tirsan CXDS. Ogow ineysan ahayn markii ugu horeeysay ey kooxda ALshabaab soo weerarto degmada C/dheer oo sidaan oo kale waxa ey degmada C/dheer u soo weerareen sideedii bishii Juun sannadkii 2024-kii,waxaane halkaasi kooxda lagu gaarsiiyey jab culus ey ku maqnaayeen muddo dhan sannad iyo laba bilood.

SUUQBACAAD MEDIA/MUQDISHO.

Previous
Previous

BREAKING NEWS: QARAX KA DHACAY MADRID OO EY KU DHAAWACMEEN 25-QOF.

Next
Next

WEERAR ASKAR LAGU DILAY OO KA DHACAY XUDUUDA PAKISTAN IYO AFAGANISTAAN.