WEERAR ASKAR LAGU DILAY OO KA DHACAY XUDUUDA PAKISTAN IYO AFAGANISTAAN.
(SAWIRKA)-GAARI LA QARXIYEY.
(PAKISTAN)-Ugu yaraan 12 askari ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo ey kooxda Talibanka Pakistan ku qaadeen Waqooyiga Galbeed ee dalka Pakistan Sabtida maanta ah, sida ey dowladda hoose iyo saraakiisha ammaanka u sheegeen Wakaalada Wararka ee AFP. Maleeshiyada ayaa mar kale ku soo biiray gobollada xudduudda la leh Afgaanistaan tan iyo markii ey dib ugu soo laabteen awoodda Taliban Afghanistan ee Kabul 2021. Kolonyo ciidan ah oo marayay magaalo ku taal degmada Koonfurta Waziristan abaare 4:00 subaxnimo ayaa “Rag hubeysan waxa ey labada dhinac ku fureen rasaas,raga ayaa ku hubeysnaay hub culus,” waxaa ku dhintay 12 ka tirsan ciidamada ammaanka afarna way ku dhaawacmeen, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan dawladda hoose. Sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka oo ku sugnaa goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa xaqiijiyay tirada dhimashada, wuxuuna sheegay in kooxihii weerarka soo qaaday ey gacanta ku dhigeen hubkii kolonyada. Kooxda Talibaan ee Pakistan, Taxriir-taalibaan pakistaan (TTP), ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, fariin ey soo dhigeen baraha bulshada. Kooxda ayaa ka duwan balse si dhow loola xiriirinayo Talibanka Afgaanistaan. Waxa uu ahaa mid ka mid ah weeraradii ugu khasaaraha badnaa ee bilihii la soo dhaafay ka dhaca gobolka Khyber Pakhtunkhwa, halkaasi oo ey mar maamulayeen TTP dhul badan ilaa ey dib u riixeen howlgal militari oo bilowday sanadkii 2014-kii. Islamabad waxa ey ku eedaysay dalka ey dariska yihiin ee Afgaanistaan in ey ka gaabiyeen in ey ka saaraan malayshiyaadka isticmaalaya dhulka Afgaanistaan si ey weeraro uga geystaan Pakistan, eedaymahaas maamulka Kabul ka arrimya waa ey beeniyeen. Muddo dhowr toddobaad ah, dadka deggan degmooyinka kala duwan ee Khyber Pakhtunkhwa ayaa soo sheegay in dhismayaal ey ku qoran yihiin qoraallo ey ku qoran yihiin magaca TTP. Waxay sheegeen iney ka baqayaan inuu dib ugu soo laabto xukunka TTP ee gobolka inta lagu guda jiro dagaalkii ugu sarreeyay ee Maraykanku "La dagaalanka Argagaxisada" ee ka soo qulqulaya Afgaanistaan. Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda hoose ayaa goor dhow u sheegay Wakaalada Wararka ee AFP in tirada dagaalyahanada TTP iyo weerarada ey kordheen. Ku dhawaad 460 qof oo u badan ciidamada amaanka ayaa lagu dilay tan iyo 1-dii bishii Janaayo weeraro ey qaadeen kooxaha hubeysan ee la dagaalamaya dowladda, kuwaas oo labaduba ka kala dhacay Khyber Pakhtunkhwa iyo Gobolka Koonfureed ee Balochistan, sida lagu sheegay warbixin ey soo saartay Wakaalada Wararka ee AFP. Sanadkii la soo dhaafay ayaa ahaa kii ugu dhimashada badnaa ee Pakistan ka dhaca ku dhawaad toban sano, iyadoo in ka badan 1,600 ey dhinteen, ku dhawaad kala bar ey ahaayeen askar iyo saraakiil booliis, sida ey sheegtay xarunta cilmi baarista iyo amniga ee fadhigeedu yahay Islamabad.
XIGASHO-AL-CARABIYA.