HORJOOGAYAAL ALSHABAAB AH OO LAGU DILAY B/MAREER.

(SAWIRKA)-BISTOOLAD.

(MUQDISHO)-DEG DEG: Wararka laga helaayo Gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaayo in Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AUSSOM ey xalay weerar qorsheysan ku qaadeen Beeraha Beynax ee hoos yimaado degaanka Buul-Mareer ee G/shabeeladda Hoose. Weerarkaas qorsheysnaay ayaa lagu dilay laba Horjooge oo ka tirsan kooxda ALshabaab iyo laba ilaaladooda ahayd lana socotay marka uu weerarku dhacaayey. Intii lagu guda jiray hawlgalka, Ciidanku waxa ey gacanta ku soo dhigeen Kaamrado,Doorbiino iyo Qalab kale oo loo isticmaali dhinaca sahanka kuwaaso kooxda ALshabaab adeegsadaan. Hawgladda wadajirka ah ey sameeyaan CXDS iyo kuwa AUSSOM ee ka socdo G/shabeelada Hoose ayaa ah kuwa mira dhal ah marka loo fiiriyo sida ey hadda wax u socdaan waayo kooxda ALshabaab ayaa dhibaatooyin fara badan ka geysan jirtay degaanadda G/shabeeladda hoose ee maamulka Dawladd Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

ISHA-SB-MEDIA.

Previous
Previous

MW-XASAN SHEEKH OO KHUDBAD KA JEEDIYEY SHIRKA MADAXDA EE DOOXA.

Next
Next

XOOLO NOOL AYAA MAANTA LA GAARSIIYEY CXDS EE DEG.C/DHEER.