MW-XASAN SHEEKH OO KHUDBAD KA JEEDIYEY SHIRKA MADAXDA EE DOOXA.
(SAWIRKA)-SHIRKA DOOXA.
(DOHA)-Wararka laga helaayo caasimadda dawladda Qadar ee Dooxa ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu khudbad ka jeediyey Shir-Madaxeedka deg dega ah ee Ururka Jaamicadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka kaasoo lagu qabtay magaalada Caasimadda ah Dooxa ee dalka Qatar kaasoo looga hadlayey weerarkii Israa’iil ey ku qaaday dalkaas. Madaxweynaha ayaa soo bandhigay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ey u barbar taagan tahay dowladda iyo shacabka Qatar, xilligan adag, isagoo muujiyey in weerarkan uu yahay xadgudub lagu sameeyey dhammaan dalalka Carabta. Madaxweyne Xasan Sheekh oo adkeeyey muhiimadda midnimada iyo iskaashiga dalalka Carabta iyo Islaamka ayaa dul istaagay mowqifka taariikhiga ah ee shacabka iyo dowladda Soomaaliya ey ku garab-taagan yihiin walaalahooda Falastiin oo la dhibaataysan gumaadka iyo gumaysiga ey ku hayaan Yuhuuddu. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku baaqay in la qaado tallaabooyin mideysan oo lagu xaqiijinayo hirgelinta dowladda Falastiin ee caasimaddeedu tahay Qudus, waxa uuna soo bandhigay in loo baahan yahay in la dhaqangeliyo mabaadi’da sharciga caalamiga ah iyo go’aannadii Qaramada Midoobay, si loo joojiyo falalka gardarrada ah ee Israa’iil, loona ilaaliyo xasilloonida gobolka.
ISHA-SNTV.