SHEEKH SHARIIF OO CADEEYEY IN MUCAARADKA UU KALA TEGAY.

(SAWIRKA)-SHARIIF.

(MUQDISHO)-Madaxweynihii hore ee Dawladdii Ku Meel Gaarka ahayd ee Soomaaliya, Shariif Sheikh Axmed, ayaa si weyn uga digay in doorashooyinka Qof iyo Cod lagu qabto codbixiyeyaal lagu diiwaan gelinayo si khasab ah. Madaxweyne hore Shariif ayaa sheegay in ceeb iyo fool xumo weyn laga dhaxli doono haddii la qabto doorashooyin eysan Xisbiyada Siyaasadeed ka qayb qaadan abaabulka taageerayaashooda. Shariif ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu dalka ku wado kala qeybsanaan Siyaasadeed, taasoo keeni karta sida uu sheegay burbur Siyaasadeed oo aan lahayn soo kabasho. Wuxuu sheegay in Madaxweynaha uu kala qeybiyay Mucaaradkii si uu u qabsado doorasho boob ah oo aan Mucaarad dhab ah kula tartami karin. “Waxaa dhacday in dadkii la qabso, in dad aan deganayn Muqdisho oo gobollo fog og ka yimid ama kuwa yimid dibadda si Khasab ah lagu diiwaan galiyo. Arrimahan waxay xumaynayaan doorashooyinkii muddada dheer la sugayay. Dastuurku wuxuu sheegayaa in qofku isagu leeyahay inuu doorto inuu isdiiwaan galiyo,” ayuu yiri Madaxweyne hore Shariif. Madaxweynihii hore Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu kasoo jeestay dagaalka AL-Shabaab iyo damaca Itoobiya ee ku aaddan Madax-bannaanida Soomaaliya, isagoo intaa ku daray in Madaxweynuhu marar badan ka dhego adaygay baaqyo ey usoo jeediyeen Mucaaradka dalka. Wuxuu ku baaqay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu kusoo laabto waddada sharciga ah, isla markaana ka laabto wax ka beddelka uu ku sameeyay Dastuurka dalka. Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Soomaaliya ayaa qeybo ka mid ah dalka ka wadda diiwaan galinta doorashooyinka Qof iyo Cod ee Dowladaha Hoose. Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay in wax kaste oo dhaca aan dib looga laaban doonin in dalka laga hirgaliyo doorashooyin Qof iyo Cod ah. Qaar ka mida ah axsaabta ku jiray Mucaaradka ayaa haatan horboodaya abaabulka doorashadaan.

XIGASHO-HOL.

Previous
Previous

TOOGASHO KA DHACDAY MAGAALADDA MINNEAPOLIS EE DALKA MARAYKANKA.

Next
Next

MW-XASAN SHEEKH OO KHUDBAD KA JEEDIYEY SHIRKA MADAXDA EE DOOXA.