XOOLO KA LAGA DHOOFIYEY DEKEDA BOSASO OO DIB LOOGU SOO CELIYEY.
(SAWIRKA)-DEKEDA BOSASO.
(BOSASO/PUNTLAND)-Wararka laga helaayo caasimadda Gobolka Bari ee dawlad Goboleedka Puntlanda ayaa sheegaayo in Caawa, safarrada maraakiibta loo qorsheeyay inay xoolaha ka soo qaadaan Dekedda Boosaaso DG Puntland ee Soomaaliya una gudbaan dalka Yemen ayaa gebi ahaanba la joojiyay. Xoolaha galabta loo qaaday Dekedda Boosaaso ayaa dib loogu celiyay xarunta laga soo daabulo Xoolaha. Waxaa jira walaac laga qabo in xaaladdani ay la xiriirto xayiraadaha ay Xuutiyiinta maanta ku soo rogeen Badda Cas. Si kastaba ha ahaatee, sababta saxda ah ee loo joojiyay rarida xoolaha ee Yemen caawa weli lama caddeyn. Dhinaca kale, DG Puntland ayaan arrintaan wax war ah oo ku saabasan sababta Markabka Xoolaha u siday dalka Yemen dib loogu soo celiyey Dekedda Bosso. Xiisadda dagaalka Bariga dhexe ee soo laba kacleysay ayaa laga yaabaa iney raad ku yeelato ganacsiga xoolaha ee u dhexeeyo Soomaaliya iyo wadamadda Carabta kuwaaso wax u soo maraan Badda Cas taaso hadda ey xireen Xuutiyiinta Yemen.
ISHA-SB-MEDIA.