BOOLISKA MUQDISHO OO SOO BANDHIGAY HUB FARA BADAN.
(SAWIRKA)-HUBKA HOTEL ELITE.
(MUQDISHO/SOMALIA)-Hay’adaha Amniga ee Soomaaliya ayaa bandhigay hub isugu jira mid culus iyo diyaaradaha nuuca aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan Drone, kuwaasi oo yaallay Hoteelka Elite ee magaalada Muqdisho. Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar ayaa sheegay in hubkaan ka kooban yahay qoryaha culus sida BKM, Dhashiike, AK-47, Sabanka iyo Diyaaradaha aan Duuliyaha laheyn. Sidoo kale, Taliyaha ayaa sheegay in ay nasiib darro tahay goob u dhaxeysa Bulshada in lagu xareeyo hub badan.“Waa ayaan darro Hotel Elite oo ah goob dadka u dhaxaysa in lagaliyo Hubka intaan la eg oo Qaranka iyo dadka lagu duminaya.” ayuu yiri Taliye Macalin Mahdi. Sidoo kale, mar Taliyaha su’aal laga waydiiyay hubkaan inuu yahay mid been abuur ah ayuu yiri “Wax inaan been sheegno nagu qasbaayo ma jiraan, hub intaan ka badan ayaan heynaa” Hadalka Taliyaha Booliiska gobolka Banaadir ayaa ku soo aadaya xilli Milkiilaha Hoteelka Elite, Cabdullaahi Maxamed Nuur. Dhinaca kale Milkiilaha Hotel Elite Ex.Wasiirkii hore ee Amniga Qaranka C/laahi Maxamed nuur ayaa batiisa Facebook waxa uu soo dhigay qoraal u qoran sidaan: “Waxaan la wadaagayaa bulshada Soomaaliyeed in maalintii saddexaad ay ciidamo hubeysan si sharci-darro ah ugu sugan yihiin gudaha Hoteelka Elite. Waxaana la burburiyay qaybo ka mid ah hoteelka, sidoo kalena waxaa la bililiqeystay hanti taallay gudaha hoteelka, faah faahinta hantida maqanan waana la wadaagi doonaa bulshada. Waxaan sidoo kale lasoconaa in gudaha hoteelka lagu daabulay hub culus, iyadoo ujeeddadu tahay in gudaha Hotelka si been abuur ah la is kugu sawirro hubka ay soo geliyeen Hotel ka si loo sumcad xumeeyo goobtaas ganacsi. Waxaan rabaa inaan bulshada u caddeeyo in hubka yaalla hoteelka uu yahay mid fudud oo keliya, laguna ilaaliyo amniga Hotel ka iyo badqabka shacabka soo booqda hoteelka.
ISHA-MM.