MUCAARADKA SOOMAALIYA OO WAJAHAAYO CULEYSYO BADAN.

(SAWIRKA)-MUCAARADKA.

(MUQDISHO/SOMALIA)-Maalmihii la soo dhaafay xaalka Siyaasadeed iyo midka amni ee dalka Soomaaliya waxa uu ahaa mid aad u cakiran gaar ahaan xaaladda caasimadda Muqdisho oo ey ka dheceen dagaalo u dhexeeyey Siyaasiyiin ka tirsan Mucaaradka Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamadda Hayadaha Amniga ee ku sugan caasimadda Muqdisho. Dagaaladda dhacay ayaa waxa ugu xumaay midkii ka dhacay Bermuuda eyna isku fara saareen Ciidamadda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed iyo ciidamo taabacsan Musharax Madaxweyne Ex.Reysal Wasaare Xasan Cali Khayre, dagaalkan ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira naf iyo maalba. Hotel DECALE oo ku yaallo gudaha Garoonka Caalamiga ah ee Aden Cadde ee magaaladda Muqdisho ayaa waxaa maanta ka dhacay shir u dhexeeyey Mucaaradka Dawaladda Federaalka Soomaaliya ee ku mideysan daladda Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed iyo Saraakiil ka socotay Hayadda Sirdoonka Turkiga ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano MIT, saraakiishaan ayaa waxaa hogaaminaayey Agaasime ku xigeenka Hayadda MIT Md.Axmed Cemalettin Celik, dhinaca Madasha Samatabixintane waxaa kulanka ku metelaayey xubnaha kala ah (1)-C/raxmaan C/shakuu Warsame. (2)-C/ramaan Ceynte. (3)-C/laahi Sambalooshe. Ajandaha kulanka maanta dhacay ayaa ahaa diyaarinta jawiga wada hadaladda u dhexeeyo labada dhinac. Dhinacyadda ayaa isku raacay in maalinta berri kuna beega Talaado 9/6/2026-ka inuu furmo shirka u dhexeeyo Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Mucaaradka, kulanka berri ayaa noqon doono mid heer Wasiir ah, waxaane maalintaas koowaad ee kulanka laga hadli doonaa Ajandaha wada hadaladda ee labadda dhinac. Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa dawladda Turkiga u gudbisay codsi ah in Mucaaradka ka soo horjeeda ey isku noqdaan hal kutlad ey kala hadleyso Arrimaha Doorashooyinka. Dawlad Goboleedyadda Puntland iyo Jubaland waxaa la hadlay xubno ka tirsan Madasha kuwaaso ka codsaday iney ka soo qeybgalaan shirka xal looga gaaraayo arrimaha Doorashooyinka dalka, balse weli lama haayo xog ku saabsan go’aanka Hogaaiyeyaasha labada dawlad Goboleed ee Puntland iyo Jubaland iney imaanayaan Muqdisho iyo in kale, waxaase jirta xog sheegeysa in Safaaradaha UK iyo Maraykanka loo xilsaaray iney qanciyaan hogaamiyeyaasha labada dawlad Goboleed Jubaland iyo Punland Madoobe iyo Deni. Dalka Turkiga ayaa leh hogaanka dhexdhexaadinta hadane waxaa kula mideysan dhammaan daneeyayaasha Siyaasadda Soomaaliya. Dhinaca kale, warar ayaa sheegaayo in Beesha Caalamka ey u sheegtay dhinacyada Mucaaradka iyo DFS ee isku haayo siyaasadda Soomaaliya in Beesha Caalamku eysan marnaba aqbli doonin iney kharash ku bixiso nuuc doorasho oo la mid ah kuwii horay uga dhacay dalka Soomaaliya taaso loolo jeedo in Beesha Caalamka eysan raali ka noqon doonin Doorasho Dadban. Waxaa kaloo iyadan jirta in la sameyn doono gudi xal raadin ah eyna qeyb ka tahay Beesha Caalamka iyo dalka Turkiga oo isaga garwadeen ka ah wada hadaladda, gudigaan ayaa la sheegay inuu ka koobnaan doono ilaa iyo toban ruux inkastoo aan weli la shaacin sida loo qeybsaday xubnaha gudiga.

ISHA-SB-MEDIA.

Previous
Previous

DACWAD OOGE KARIM KHAN OO SHAQO JOOJIN LAGU SAMEYEY.

Next
Next

XOOLO KA LAGA DHOOFIYEY DEKEDA BOSASO OO DIB LOOGU SOO CELIYEY.