XIRIIRKA SOOMAALIYA IYO MASAR MA XUMAADAY MASE…
(SAWIRKA)-MW-XASAN SHEEKH IYO MW-EL-SISI.
(CAIRO)-Ilo wareedyo Xog-Ogaal ah oo u dhuun daloola xiriirka Masar iyo Soomaaliya ayaa Wargayska AL-Caraby AL-Jadeed u sheegay in xiisad xoogan ey ka bilaabatyQaahira iyo Muqdishu taaso ey sabab u tahay dhaqangelinta hab maamuuska iskaashiga Mileteri oo ey labada dal kala saxiixdeen Agoosto-2024-kii. Xiisadda ayaa ku soo beegantay xilli ey ilo wareedyo ku tilmaameen “Isbedel Weyn”oo ku yimid jihaynta hogaanka Soomaaliya,taaso si cad u muuqatay ka dib markii ey soo baxday isu soo dhawaasho aan horay u jirin una dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya kuna saabsan heshiiskii istaraatijayeed ee Masar iyo Soomaaliya. Sida xogta lagu helaayo,Masar waxa ey walaac ka muujisay waxa ey u aragto”Isbedel lama filaan ah oo 180-Darajo ah”oo ku yimid hab dhaqanka Madxweynaha Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamud kaaso bilo ka hor isu soo bandhigay inuu saaxib dhaw la yahay Qaahira si uu uga horyimaado waxa Masar u aragto khatarah Gobolka,gaar ahaan soo gelitaan Itoobiya ee Geeska Afrika iyo arrinta Qodaxda leh ee Biyo Xireenka Grand Renaissance Dam ee Itoobiya.
NAXDIN SIYAASADEE OO TAAGAN QAAHIRA:
Ilo wareedkan ayaa xaqiijiyey in isbedelkan ku yimid mawqifka Soomaaliya uu ka dhigan yahay “NAXDIN SIYAASADEED” oo ku wajahan dadka go’aanka ka gaari doono Masar,gaar ahaan tan iyo markii ey soo ifbaxday caalamadaha isku xirka Muqdisho iyo addis Ababa. Tani waxay keentay in Qaahira ey dib u qiimeyso suurtaganimada in halkiisii laga sii amaba qaado dhaqangelinta hab maamuuska mileteriga kaaso qorshuhu ahaa in, in ka badan kun askeri oo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee dalka Masar la geeyo degaano ey ka mid yihiin Adan Yabaal iyo Cadale oo ka tirsan Gobolka Shabeeladda Dhexe si ey uga qeybgalaan dagaalka kooxda AL-shabaab. Ilo wareedka ayaa tilmaamay in Qaahira ey dareemeyso wax ey ku tilmaantay “NIYAD XUMO AAD U WEYN” oo ku aadan waxqabadka Madaxweynaha Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamud oo ey rumaysan yihiin inuusan muujin go’aan adag oo dhanka amniga ah,isla markaane uusan qaadin talaabooyin wax ku ool ah oo lagu xaqiijinaayo jawi ku haboon hirgelinta heshiiska. Ilo Wareedka ayaa intaa raaciyey,”Waxaa halkaan jirta aaminsanaan isa soo tareysa oo ka dhex jirta dhinacyada go’aan qaadashada Masar oo ah in Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamud aan hadda loo arag saaxib la isku haleyn karo,sidaas darteedna,qorshihi lagu daabulaayey Ciidamadda Masar si hufan ayaa loo hakiyey.”Sidoo kale,Ilo wareedyadu waxay ku macneeyeen in xanibaadan aan weli si rasmi ah loo shaacin,balse ey ku soo beegantay hab taxadar leh ey Qaahira kula tacaaleyso waxa ey u aragto isbedelka siyaasadda Soomaaliya, taaso sida ey ilo xog-ogaal ahi sheegeen khatar ku ah istaraatiijiyada Masar ee ku aadan dalka Soomaaliya taaso sannadihii ugu dambeeyey maalgashi fara badan ku sameysay,haddii ey ahaan lahayd taageerada ciidamadda iyo tababarada diblomaasiyadda iyo amniga shaqaalaha Soomaaliyeed. Reysal Wasaaraha dalka Masar Mustafa Madbuuli oo ka wakiil ah Madaxweyne EL-sisi ayaa ka qeybgalay furitaanka shirka aan caadiga ahayn ee Madaxda dalalka ey ciidamada ka joogaan Soomaaliya(ATMIS) oo Jimcihii la soo dhaafay lagu qabtay magaalagga ENTEBBE ee dalka Ugaandha. ka maqnaanshaha EL-sisi ee shirka,in kastoo Qaahira ey muhimad gaar ah u leedahay qadiyadda Soomaaliya,hadane waxaa loo arkay in Masar ey sii yareyneyso xamaasaddii ey ka lahayd xaaladda Soomaaliya ee hadda taagan. Reysal Wasaare Madbuuli inta uu khudbada ka jeedinaayey shir Madaxeedka waxa uu aad u daneynaayey in Masar ey si hagar la’aan ah u taageerto Midnimada Qaranka ee Soomaaliya,balse ma uusan qarin in Qaahira ey ka niyad xun tahay wax uu ku tilmaamay”Xaaladda Hubnaan la’aanta ah ee nidaaminta heshiiskii 2024-kii”taaso wiiqday guulihii ey Ciidmada ha gaareen la dagaalanka Argagixisada. Waxa uu ku baaqay in la soo cusbooneysiiyo balanqaadka caalamiga ah oo lagu taageeraayo xasiloonida Soomaaliya,isagoo carabka ku adkeeyeyin loo baahan yahay in ciidamada Xaooga Dalka Soomaaliyeed ey awood u yeeshaan iney ilaashadaan guulahooda. Iyadoo shir Madaxeedka laga soo saaray baaqyo lagu taageeraayo dawladda Soomaaliya si ey uga hortagto caqabadaha amni iyo dhaqaalaha,hadane Qaahira,sida ey sheegeen ilo wareedyada waxa ey noqotay mid aan u hamuun qabin iney bixiso taageero mileteri oo toos ah,marka loo eego maqnaashaha damaanad qaadka weyn ee Muqdisho ka imanaya ee la xiriira ixtiraamka isfahanka labada dhinac. Xaaladan oo kale, S/Gaas.Maxamed EL-Hamshari oo ah la TALIYE Mileteriga ee Akadeemiyadda NASSER HIGHER ayaa u sheegay Wargeyska AL-Carabiya AL-Jadeed in “Matalaada Caalamiga ah ee shir Madaxeedka Ugaandha uusan ahayn heer u baahan ka qeybgalka shaqsi ahaaneed ee EL-sisi” isagoo sharaxay in”Ka qeybgalka uu ku kooban yahay Madaxweynaha Ugandha, Gudoomiyaha Gudiga Midawga Afrika, iyo Gudoomiyaha difaac ee dalalka IGAD oo ey soo direen kaliyah Madaxweynayaasha Midawga Afrika,halka dawladaha soo haray ey soo direen wakiilo iyaga ka socdo kuwaaso ka wakiilo ah Madaxweynayaasha ama Wasiiradda G/dhiga”.AL-Hamshari waxa uu intaas ku daray “Arrinta kale ee hoos u dhigtay muhimadda ka qeybgalka heerka ugu sareeyo waa in Ugaandha oo ey wehliyaan qaar ka mid ah dalalka gobolka ayaa weli mawqif aan wanaagsaneyn ka qaatay heshiiska qaab dhismeedka dalalka ku xeeran Wabiga Niil,arrinkaas oo ka mid ah shuruudaha dadba ee dalka Masar marka la qiimeynaayo suurtagalnimada marka laga qeybgelaayo dhacdooyinkaan oo kale.
XAALADDA SOOMAALIYA WAA MID CAKIRAN":
“Xaaladda Soomaaliya hadda waa mid aad u qalafsan,ciyaartoyga dhabta ah ee Caalamiga ah ee saameynta ku leh saaxadda Soomaalida si weyn ugama eysan soo qeybgelin shirka Ugandha” isagoo ku nuux-nuuxsaday in”Dhinacyada firfircoon ee ku jira galalka Soomaalida ee hadda jira ey yihiin Turkiga,Itoobiya oo wakiil ka ah Maraykanka iyo Isra’iil, marka laga soo tago dalalka Carabta qaarkood. Dhankiisa,Qoraaga Soomaaliyeed Axmed Qaswood oo la hadlay Wargayska AL-Carabi AL-Jadeed ayaa sheegay in “Isku soo dhawaanshaha dawladda Soomaaliya iyo Itoobiya uu shaki geliyey dalka Masar”,isagoo xusay in “Imaanshiyaha ku dhawaad ilaa 300-askeri oo Turki ah oo maalmo ka hor Muqdisho yimid si ey gacan uga geystaan sugidda amaanka ey soo kordhisay weji kale oo xaaladda sii cakiray” . “Horumarkaas oo is biirsaday waxaa laga yaabaa inuu keeno in Qaahira ey dib u eegis ku sameeyso qaabka ey u wajahayso arrimaha Soomaaliya”,ayuu Qaswood hadalkiisa ku daray,isagoo xusay in “Masar bilawgii sannadkan ey bixisay qalab iyo hub ey ku taageereyso DFS, tani waxay ka tarjumaysaa joogitaanka wada shaqeynta,balse waxay muujineysa heerka uu gaarsiisan yahay walaaca dalka Masar uu ka qabo is bedelka cusub ee siyaasadda Soomaaliya iyo sida la isugu haleyn karo wada shaqeynta ey la leedahay Madaxweynaha hadda talada haya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamud. Isagoo hadlkiisa sii wata Axmed ayuu yiri”Xitaa isu soo dhawaanshihii seddex geesoodka ahaa ee ka dhex abuurmay dalalka “MASAR,SOOMAALIYA IYO ERITEREEYA” ayaa bilaabay iney saameyn ku yeelato,iyadoo Eritereeya ey muujisay dareenkeeda ku aadan tilaabooyinka Soomaaliya ee ku wajahan Itoobiya,waxa eyna ku tilmaantay mid deg deg ah oo aan waqtigiisa ku dhicin.
ISHA-AL-CARABY AL-JADEED.