MW-XASAN SHEEKH OO QORAAL XASAASI AH KU QORAY…
(SAWIRKA)-MW-XASAN SHEEKH MAXAMUD.
(LONDON)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamud ayaa waxa uu Maqaal ku qoray Wargayska Caalamiga ah ee ka soo baxa magaaladda London ee dalka Ingiriiska ee la yiraahdo”AL-SHARQ AWSAT. Maqaalka Madaxweynaha ayaa Cinwaankiisu ahaa: “Ilaalinta Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed waa masuuliyad ina wada saaran”:
Waxaan ka badbaaday lix isku day dil oo kooxda Argagixisada ah ee AL-Shabaab ey dooneysay iney igu disho tan iyo intii aan xilka Madaxweynaha Soomaaliya u magacaabay 2012. Isku daygii ugu dambeeyay ee naftayda ayaa ahaa March 18, 2025. Waxaan ku sugnaa magaalada Muqdisho, anigoo ku sii jeeday garoonka diyaaradaha si aan uga mid noqdo ciidamada geesiyaasha ah ee ku sugan jiidaha hore ee dagaalka, markaasoo ay argagixisadu isku dayeen inay safarkayga ku soo afjaraan qaraxyo. Ilaahay fadligiis iyo feejignaantii ciidamadeenna ayaa ku guul daraystay qorshahoodii, si la mid ah isku dayadii hore oo dhan.
Isku daygan dilka ah maaha kuwo aniga shaqsi ahaan la igu weeraray ee waxay ka turjumayaan in cadawgu uu fahmay nooca mashruuca qarankeena. Hadafkayagu waa inaan Soomaaliya ka badbaadino argagixisada, una dhisno mustaqbal xasiloon oo ay helaan dadkeeda iyo gobolka. AL-Shabaab waxa ay fahmeen in xididada loo siibo iyaga iyo kooxaha argagixisada ah ee la midka ah in aysan xorayn Soomaaliya oo kaliya, balse ay dhidibada u taagayaan amniga iyo xasiloonida Geeska Afrika iyo guud ahaan gobolka oo ay si sax ah u arkaan khatar jirta.
Tan iyo markii aan xafiiska la wareegay markii labaad 2022, waxaan mudnaantayda ka dhigay la dagaalanka AL-Shabaab iyo Daacish. Waxa aanu samaynay istaraatiijiyad dhamaystiran, annagoo ku beegsanayna laba arrimood oo waaweyn: fikir iyo dhaqaale.
Dhinaca fikirka, in ka badan 300 oo culimo ah oo hormood ah ayaanu kala shaqaynay in ay soo bandhigaan been abuurka ay kooxahaas ka hadlayaan, una muujiyaan in Islaamku ka bari yahay dembiyadooda. Iyadoo loo marayo ololeyaal warbaahineed iyo barnaamijyo wacyigelin ah, dadka Soomaaliyeed ee nabadda jecel waxay mar kale helayaan caddayn, waxaanan diidnay xag-jirnimada nooc kasta oo ay tahay.
Dhinaca maaliyadda, waxaan si dadaal leh u raadinnay inaan jarno ilaha maalgelinta argagixisada. Waxaanu xidhnay boqollaal akoon oo bangi oo shaki ku jiray, waxana aanu baabi’inay shabakado badan oo ay kooxuhu u adeegsan jireen baadda muwaadiniinta iyo ganacsatada. Dadaalladaasi waxay u sahleen ciidamadeena qalabka sida inay ka sifeeyaan dhul ballaaran oo dalka ah. Haddaba, go'aankeennu wuu sii xoogaysanayaa inkasta oo ay jiraan caqabado iyo khasaarooyin ba'an; Horumarkeennu waa mid la taaban karo, guulihii is xig xigayna waa ay sii soconayaan.
Dagaalka aan kula jirno argagixisanimada kaliya maaha halgan gudaha ah. Waa dagaal loogu jiro nabadda iyo xasilloonida gobolka oo dhan. Runtii, argagixisadu xuduud ma taqaano, in laga adkaado argagixsada Soomaaliya waxay la macno tahay in aan dhibka ka soo bixin, ka hor inta aysan argagixisadu khatar gelin deriskeenna iyo caalamkaba.
Muhiimadda istiraatijiyadeed ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ay u leeyihiin amniga iyo dhaqaalaha caalamka waa la fahmay. Waxa halkaas ka hawlgala dhawr kooxood oo argagixisa ah oo ay ugu horreeyaan Al-Qaacida, Al-Shabaab, Daacish iyo Xuutiyiinta (Kooxaha inkasta oo ay u muuqdaan inay kala duwan yihiin, haddana si qarsoodi ah u wada shaqeeya, iskuna dubbarida doorkooda ka dhanka ah dawladaha gobolka oo ay ku jiraan Soomaaliya, Boqortooyada Sucuudi Carabiya iyo guud ahaan gobolka Khaliijka).
Anagoo garwaaqsan hanjabaadahaas, waxaan la garab istaagnay walaalaheen Boqortooyada Sacuudiga maalintii ugu horreysay, anagoo ku biirnay isbaheysiga Islaamka ee la dagaallamaya argagixisada Xuutiyiinta, ee weerarka ku ah Boqortooyada, maqaamkeeda diimeed iyo dhaqaale, sidoo kalena dhibaato u geysta shacabka Yemen oo ay ku soo rogeen gumeysi shisheeye.
Sirdoonkeena ayaa dhawaan ogaaday isgaarsiintii Xuutiyiinta Yemen iyo labada Daacish iyo Al-Shabaab ee Soomaaliya. Xiriirkoodu wuu horumaray, waxayna hadda isweydaarsanayaan hub iyo khibrad. Waxa kale oo aanu ku guulaysanay in aanu ka hortagno oo aanu qabanay shixnadihii qaraxyada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ka soo duulay Yemen ee ku soo jeeday dalka Soomaaliya, waxaana aanu xidhnay shabakad ka ganacsata hubka.
Dhanka garoonka waxaan ku qaadnay dagaalo ba’an oo laba jiho ah. Midka ugu horreeya Buuraha Cal Miskaad iyo Silsiladda Buuraha Golis (oo ku dheggan Gacanka Cadmeed ee Waqooyi-bari ee dalka), halkaas oo ay ciidamadeennu guul ka soo hooyeen. Si kastaba ha ahaatee, waxaan u baahanahay taageerada saaxiibada gobolka si looga hortago in Gacanka Cadmeed xarun u noqoto kooxaha argagixisada.
Jiidda labaad waxay ku taal bartamaha, oo ku teedsan webiga Shabeelle. Askarteenu waxay sanado badan ku guda jireen dagaallo culus iyagoo gacan ka helaya ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya. Howlgalladan ayaa ujeedkoodu yahay in kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab looga hortago in laga qabsado xeebaha Soomaaliya ee ku teedsan badweynta Hindiya, waxaana socda horumaro la taaban karo.
Argagixisadu waxay damacsan tahay inay gacanta ku dhigto biyaha muhiimka ah ee badda, labadaba gacanka Cadmeed iyo xeebaha badweynta Hindiya, oo ah laba halbowle oo muhiim u ah gobolka iyo adduunka. In xididada loo siibo kooxaha argagixisada ah ee ka hawlgala labadan gobol waxa ay go’aamin doontaa mustaqbalkayada amni iyo dhaqaale ee aynu wadaagno haddaynu nahay wadamada ku teedsan badda cas iyo gacanka cadmeed, waxaanay muhiim u tahay ka hortagga dabka argagixisadu inuu ku fido gobolada kale.
Waxaan bixinay qiimo sare oo aan qaadnay waddo adag, laakiin waxaan aaminsanahay in meesha aan u socono ay mudan tahay naf hurid kasta. Illahay fadligiis, go’aanka dadkeena iyo taageerada saaxiibadayada, waxaan ku dadaali doonaa inaan aragno Soomaaliya cusub oo nabad ah, taasoo tiir u ah nabadda gobolka iyo tan caalamka.
Nabad iyo nabad lagu soo dabaalo Soomaaliya ma aha mid laga go'doomi karo xasilloonida gobolka ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Marka aan sii wadno la dagaalanka argagixisanimada, waxaan gacan u fidineynaa saaxiibadayada iyo walaalaha gobolka iyo kuwa kaleba. Waxaan ku xisaabtameynaa taageeradooda, sababtoo ah waxaan aaminsanahay in amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ay tahay mas'uuliyad wadajir ah oo u baahan iskaashi iyo isdhexgalka dhammaan dalalka gobolka.
ISHA-AL-SHARQ AWSAT.