HAYADDA WFP OO DHIMEYSA SHAQAALAHEEDA.
(SAWIRKA)-WFP.
(UN)-KA. Wararka laga helaayo Hayadda Cuntada Addunka WFP ee Qaramada Midoobe ayaa sheegaayo iney Qorsheyneyso iney dhinto shaqaalaheeda 25% ilaa 30% caalamka oo dhan, sabab la xiriirto hoos u dhaca ku yimid maalgelinta Hayadda Caalamiga ah, sida lagu sheegay Email ey aragtay Wakaaladda Wararka ee France-Press Isniinta maanta ah. Email-ka la helay ayaa u qornaa sidan ”Waxaan soo gabagabeynay in WFP hoos u dhigto shaqaalaheeda Caalamiga ah inta u dhexeyso 25% ilaa 30% taaso saameyn ku yeelan doonto ilaa 6-kun shaqaale maadaam u diyaargarawga sannadka 2026-ka uu socdo”. Sida laga soo xigtay Warqadda,”Saadaasha maalgelinta deeq bixiyeyaasha ee sannadkan 2025-ka waa $6.4-Bilyan oo doolarka Maraykanka ah,waxaane jira hoos u dhac dhan 40% marka la barbardhigo sannadkii hore 2024-kii. Waxaan weli la walaacsanahay in eysan jirin calaamado muujinaayo in xaalku sidaan ka soo fiicnaanayo”. Hayadda WFP ayaa xustay in “Isbedelka qaab dhismeedka iney lagama maarmaan u tahay in la ilaaliyo ilaha si loo taageero hawlgaladda muhiimka ah kuwaaso sameyn doono dhammaan Juqaraafi ahaan Gobolada,Waaxyaha iyo heerarka Ururka”. Ka hor inta aan la dhimin shaqaalaha,Hayadda WFP oo la Aas-aasay sannadkii 1961-dii waxay lahayd shaqaale dhan ilaa 23-kun kana hawlgalla ilaa 120-dal,sida lagu sheegay shabakadooda. Barnaamijka waxa uu intaas ku daray,”Miisaanka dhimista shaqaalaha ee loo baahan yahay wey adag tahay in la sheego oo xitaa waxaa ka adag in maqlo. Si kastaba ha ahaatee, waa go’aan lagama maarmaan ah oo masuuliyad ah marka loo fiiriyo aragtiyadda maalgelinta jilcan”. Maamulka Madaxweyne Trump ayaa baabi’iyey 83% miisaaniyadda loo qoondeeyey barnaamijka USAID. Hayadaan kaliyah ayaa laheed miisaaniyad sannadeed dhan $42.8-Bilyan oo doolarka Maraykanka ah, taaso ka dhigan 42% gargaarka bani’adanimo ee loo qeybiyo Adduunka.
ISHA-WAKAALAD.