SENITARADA AQALKA SARE OO ANSIXIYEY…

(SAWIRKA)-SENITARADA AQALKA SARE.

(MUQDISHO)-Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) ayaa maanta shir guddoomiyay Kalfadhiga Lixaad Kulankiisa 4-aad kaaso Ajandihiisu ahaa:

(1).Akhrinta Saddexaad ee Hndise Sharciyeedka Hay'addaha Maaliyadda.

(2).Akhrinta Saddexaad ee Hindise Sharciyeedka Canshuurta Dakhliga.

(3).AkhrintaSaddexaad ee Hindise sharciyeedka Shirkadaha Caymiska.

(4).Akhrinta Saddexaad ee Hindise sharciyeedka wax-ka-beddelka sharciga Lacag dhaqista iyo ka hortaga Maalgalinta Argagixisada. Ugu horayn, Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare Senitar Ibraahim Awgaab Cismaan ayaa Senitarada la wadaagay Xogta akhrinta labaad iyo sida uu guddigu u soo qaabeeyay Sharciyadyada Maaliyadda, Intaas ka dib waxaa la gudagalay Ansixinta Sharciyada Maaliyadda, iyagoo Senitaradu mid mid ugu codeeyeen. Midwalbana waxaa codka kalsoonida siiyey (27)-Senitar wax diiday ma jirin, waxaana ka aamusayna 1 Senitar oo kaliya. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradaha Maaliyadda XFS, Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange oo kulanka maanta goobjoog ahaa, ayaa Senitarada Aqalka Sare iyo Guddiga ka shaqeeyay sharciyada maanta la ansixiyay uga mahadceliyay, sida wanaagsan oo ay turxaan bixinta iyo toosinta ugu sameeyeen sharciyada loo ansixiyay oo muhiimad gaar ah u leh dadka iyo Dowladnimada Soomaaliyeed.

ISHA-GOLAHA AQALKA SARE.

Previous
Previous

HAYADDA WFP OO DHIMEYSA SHAQAALAHEEDA.

Next
Next

SACUUDIGA OO WAR KA SOO SAARAY XAJKA.