XILDHIBANO MARAYKAN AH OO LOO DIIDAY INEY GALAAN XARUN…

(SAWIRKA)-XILDHIBANO.

(MINNEAPOLIS/MN)-Saddex xildhibaan oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga ee Minnesota, oo ay ku jirto xildhibaanadda Golaha Wakiillada Ilhan Omar, ayaa laga hor istaagay inay galaan xarun xabsi oo ay maamusho Hay’adda Socdaalka iyo Kastamka (ICE) oo ku taalla meel u dhow Minneapolis subaxnimadii Sabtida. Dhacdadan ayaa ka dhacday meel u dhow dhismaha Federaalka ee Whipple ee Twin Cities, xilli mudaharaadyo iyo isku dhacyo ay ka socdaan magaalada ka dib markii wakiil ka tirsan ICE uu toogtay Renee Good oo 37 jir ahayd, taasoo ka dhacday koonfurta Minneapolis toddobaadkii hore. Ilhan Omar ayaa sheegtay in marka hore loo ogolaaday inay gudaha galaan xarunta, balse kaddib si lama filaan ah loo faray inay baxaan. “Waxoogaa ka dib markii naloo ogolaaday inaan gudaha soo galno, laba mas’uul ayaa yimid waxayna sheegeen in la helay fariin ah in aan gudaha dhismahala la ogolayn,” ayay tiri. Ilhan Omar ayaa tallaabadan ku tilmaantay mid sharci darro ah. “Waxa maanta dhacay waa isku day muuqda oo lagu carqaladeynayo xubnaha Congress-ka si ay u gutaan waajibaadkooda kormeer,” ayay intaa ku dartay. Bishii hore, garsoore federaal ah ayaa sheegay in maamulka Trump aanu ka hor istaagi karin xildhibaanada inay booqdaan xarumaha xabsiyada socdaalka, xitaa haddii aysan ogeysiin bixin. Garsooraha maxkamadda degmada ee US Jia Cobb ayaa sheegay in siyaasadaha ICE ee xaddidaada kormeerka Koongareeska ay ka hor imaanayaan sharciga federaalka. Xildhibaanada kale ee booqday xarunta, Angie Craig iyo Kelly Morrison, oo labaduba matala degmooyinka ku dhow Twin Cities, ayaa sidoo kale loo diiday inay gudaha galaan. Sida ay sheegtay Ilhan Omar, waxay xarunta ogeysiisay booqashadooda ka hor, balse qiyaastii 10 daqiiqo kadib ayaa la faray inay baxaan. “Waxaan ICE iyo Waaxda Amniga Gudaha u sheegnay inay jebinayaan sharciga federaalka,” ayay tiri Craig. “Uma muuqato inay ka walaacsan yihiin jebinta sharciga. Tani waa wax aan la aqbali karin. Maamulka hadda wuxuu Minnesota u isticmaalaa sidii qalab siyaasadeed, toddobaadkan horena, waxaa naftii laga qaaday haweeney,” Ilhan Omar. Ilhan Omar ayaa sidoo kale xustay inay aragtay diyaarado ka baxaya xarunta ICE, iyadoo la sheegayo in aysan ahayn duulimaadyo soo celin ah balse ay u guurinayaan xabsiyada kale ee gudaha Maraykanka, sida laga soo xigtay Axios.

XIGASHO-HOL.

Previous
Previous

REYSAL WASAARE ABIY OO GAARAY DALKA JABUUTI.

Next
Next

SOOMALILAND OO XAALKU KU XUN YAHAY DIGNIINA DIRTAY.