SOOMALILAND OO XAALKU KU XUN YAHAY DIGNIINA DIRTAY.
(SAWIRKA)-WASIRKA ARIMAHA DIBADA SL.
(HARGEYSA/SL)-Xukuumadda Somaliland ayaa si adag u cambaareysay hadallo ka soo yeedhay Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo sheegay in dowlado shisheeye ay xoog militari ku muquunin doonaan Somaliland. Warsaxaafadeed ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland soo saartay maanta, ayaa lagu sheegay in hadalladaasi ay yihiin kuwo halis ah, masuuliyad-darro ah, isla markaana si cad ugu xadgudbaya Axdiga Qaramada Midoobay iyo mabaadi’da aasaasiga ah ee sharciga caalamiga ah. Somaliland waxay sheegtay in aanay hoos imanayn Muqdisho, isla markaana ay si sharci ah u soo ceshatay madax-bannaanideeda sanadkii 1991, iyada oo ku salaynaysa xuduudihii gumaystuhu ka tagay ee 1960-kii. Waxa kale oo ay xustay in tan iyo markaas ay Somaliland ku tallaabsatay nabad, xasillooni, iyo nidaam dimuqraadi ah oo shaqeeya. Xukuumadda Somaliland ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya si buuxda mas’uul uga dhigtay cawaaqibka ka dhalan kara hadallada hanjabaada ah, waxayna ugu baaqday beesha caalamka iyo saaxiibada caalamiga ah in ay si cad u diidaan tallaabo kasta oo noocaas ah. Sidoo kale, Somaliland ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay nabadda iyo xasilloonida gobolka, "balse ay mar walba ilaalinayso xaqeeda dabiiciga ah ee is-difaacidda, sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah". Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu baaqday Boqortooyada Sacuudiga iyo guud ahaan waddamada Carabta in ay tallaabo millateri ka qaadaan Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, si lamid ah habkii uu Sacuudi Carabiya ula macaamilay Hoggaamiyihii Koonfurta Yemen ee Caydarus Al Subaydi. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo wareysi siiyay telefishinka Aljazeera, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ayna marnaba oggolaan doonin in Israa’iil ay saldhig militari ku yeelato dhulato Somaliland. Inkasta oo Somaliland ay beenisay in Israa'iil joogis millateri ku yeelanayso dhulkeeda.