REYSAL WASAARE ABIY OO GAARAY DALKA JABUUTI.
(SAWIRKA)-GEELLE IYO ABIY.
(JIBOUTI)-Raysal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa saaka booqasho aan horay loo sii shaacin ku tegay dalka Jabuuti. Labada hoggaamiye waxay yeesheen wadahadallo heer sare ah oo ku saabsan horumarka Juqraafiyeed ee gobolka, nabadda iyo amniga Geeska Afrika, iyo siyaabaha loo sii xoojin karo xiriirka labada dhinac. Qoraal uu baraha bulshada soo dhigay, Raysal Wasaare Abiy wuxuu ku nuuxnuuxsaday in si gaar ah diiradda loo saaray xoojinta iskaashiga ganacsiga, saadka, iyo horumarinta. "Wadahadalkeennu wuxuu diiradda saaray dhaqdhaqaaqa Juqraafiyeed, nabadda iyo amniga gobolka, iyo xoojinta iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan ganacsiga, saadka, iyo horumarka - isagoo dib u xaqiijinaya ballanqaadka wadajirka ah ee xasilloonida, isdhexgalka dhaqaalaha, iyo barwaaqada labada dhinac," ayuu yiri Raysal Wasaaruhu.
XIGASHO-ENA.