GAARI AYAA DAD LAGU JIIRSIIYEY GOBOLKA KALIFORNIYA.
(SAWIRKA)-GOOBTA SHILKA KA DHACAY.
(LOS ANGELS/USA)-Iyadoo dibadbaxyadu ay weli ka sii socdeen gudaha dalka Iiraan, ayaa gaari xamuul ah waxa la jiirsiiyey dad dibadbaxayaal ah oo isugu soo baxay magaaladda Los Angeles, Gobolka Kalifoorniya, si ay uga mudaaharaadaan dowladda Iiraan, taasoo keentay dhaawacyo, sida ay sheegeen warbaahinta Mareykanka fiidnimadii Axadda maanta ah. Dadka u dhaqdhaqaaqa Xuquuqda Aadanaha ayaa baraha bulshada ku wadaagay muuqaallo muujinaya xilligii gaariga xamuulka ah uu dul maray ka qaybgalayaasha dibadbax lagu taageerayo dadka Iiraan, xilli ay xaalad fowdo ah ka jirtay. Tobaneeyo ka mid ah dadkii ka qayb galay dibadbaxyada looga soo horjeeday maamulka Iiraan, iyadoo ka qaybgalayaashu ay wateen calan Iiraan ka hor kacaanka hadda jira waxaane ku qornaay halku-dhegga ah "Libaax iyo Qorrax". Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dhacdadan ay keentay in tiro dad ah ay ku dhaawacanto ka dib markii la jiirsiiyay gaari. Mas'uuliyiinta Mareykanka ee magaaladda Los Angeles ayaa la wareegay goobta isla markiiba ka dib dhacdada, iyagoo bilaabay baaritaan deg-deg ah si loo ogaado sababta keentay in gaariga xamuulka ah uu isku dhaco dibadbaxayaasha, iyo in dhacdadu ay ahayd mid ula kac ah ama si kama' ah. Waxaa xusid mudan in dibadbaxyada ka dhacay Iiraan ay billowdeen Diseembar 28-keedii iyadoo ganacsato ku sugan suuqa Tehran ay shaqo joojin sameeyeen, taasoo ay sabab u ahayd heerka sarrifka oo sii xumaanaya iyo awoodda wax iibsiga ee dalka. Dibadbaxyadan ayaa markii dambe isu beddelay dhaqdhaqaaq kor u qaadaya halkudhigyo siyaasadeed oo ka dhan ah mas'uuliyiinta nidaamkaas oo xukunka hayay tan iyo 1979-kii. Wakaaladda Wararka ee u dooda Xuquuqda Aadanaha (HRANA) ee fadhigeedu yahay Mareykanka ayaa xaqiijisay dhimashada 490 dibadbaxayaal ah iyo 48 shaqaale amni, iyo sidoo kale xarigga in ka badan 10,600 oo kale intii ay socdeen dibadbaxyada kuwaaso socday muddo dhan laba toddobaad. Iiraan si rasmi ah uma shaacin tirada dhimashada. Dibadbaxyadu way sii socdaan inkastoo Iiraan ay gebi ahaanba ka maqnayd internetka in ka badan 72 saacadood, sida laga soo xigtay NetBlocks, oo ah urur la socda isgaarsiinta dijitaalka ah. Kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa xaqiijisay in go'itaanka isgaarsiinta uu caqabad ku yahay socodka macluumaadka, iyagoo walaac ka muujinaya in tirada dhabta ah ee dhimashada ey u badan tahay iney aad uga badan tahay.
XIGASHO-AA.