XILDHIBANO IYO WASIRO KA HORYIMID AQONSIGA SOMALILAND.

(SAWRKA)-XILDHIBANO IYO WASIRO KASO JEEDO SOMALILAND.

(MUQDISHO)-Wararka ka imanayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Qaar ka mid ah Wasiirada iyo Xildhibaanada dowladda Federaalka Soomaaliya ee kasoo jeeda deegaanada gobolada Waqooyi ee Soomaaliya ay si adag uga horyimid talaabada Israa’iil ay Somaliland ugu aqoonsatay dal ka madax banaan Soomaaliya. Xubnahan isugu jira Wasiiradda iyo Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si gaar ah uga jeeda gobolada Sool, Sanaag iyo Awdal, waxayna si cad u muujiyeen iney diidan yihiin in Soomaaliya la kala qeybiyo. "Waxaan cadeyneyna inaan dowladda Soomaaliya ku garab taaganahay ilaalinta midnimada iyo madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, waxaan Cambaareyneyna maamulka kali taliska ah ee Israa’iil ee ku dhawaaqay inuu Somaliland u aqoonsaday dal ka madax banaan Soomaaliya, waxan sidoo kale cambaareynayaa talaaba kasta oo isku day ah in Somaliland looga jaro Soomaaliya" ayaa lagu yiri War murtiyeed ay soo saareen Wasiiradda iyo Xildhibaanadan kasoo jeeda gobolada gobolada Waqooyi. Wasiirrada iyo Xildhibaanada kasoo jeeda Sool, Sanaag iyo Awdal ayaa si buuxda u taageeray go’aannada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka qaadatay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, iyagoo adkeeyay in dowladda ay tahay hay’adda kaliya ee sharci u leh arrimaha siyaasadda arrimaha dibadda ee dalka. Masuuliyiintan ayaa sidoo kale cadeeyay ineysan quseynin dadka ku nool gobolada Sool, Sanaag, iyo Awdal go’aano dhawaan kasoo baxay Xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan Baarlamaanka oo kasoo jeeda gobolada Hargeysa iyo Togdheer, kuwaas oo aan si rasmi ah u cadeeyn go'aankooda ku aadan xadgudubka Israa’iil ay kula kacday Qaranimada Soomaaliya. Waxaa sidoo kale xubnahan ay ku baaqeen in shacabka Soomaaliyeed u midoobaan ka hortaga talaabo kasta oo lagu kala jarayo midnimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya. Ugu dambeyn masuuliyiintan ayaa uga mahadceliyay beesha caalamka iyo Ururrada Caalamiga ah ee ixtiraamay wadajirka midnimada iyo madax banaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

XIGASHO-HOL.

Previous
Previous

XOOGAGA DANAB OO HAWLGAL KA FULIYEY BUULO FULAAY.

Next
Next

HORJOOGAYAAL ALSHABAAB AH OO LAGU DILAY JILIB IYO WARGAADHI.