HORJOOGAYAAL ALSHABAAB AH OO LAGU DILAY JILIB IYO WARGAADHI.
(SWIRKA)-ALSHABAAB.
(MUQDISHO)-Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ay fashiliyeen weerar ay Al-Shabaab ku soo qaadeen deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe. War kaso baxay Wasaaradda ayaa shaaca looga qaaday in howlgalka lagu dilay horjoogihii hoggaaminayay dagaalamayashii weerarka soo qaaday, iyadoo sidoo kale la gaarsiiyey jab culus oo dhimasho iyo dhaawacba leh xubnaha kale ee la socday. "Ciidamada Qaranka ayaa hadda baacsanaya firxadka Al-Shabaab ee baxsaday, si loo ciribtiro hadhaadigii ay ka tageen." ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda Gaashandhiga Soomaaliya. "Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu xaqiijinayaa in amniga deegaanka Wargaadhi si buuxda gacanta ugu jiro ciidamada, isla markaana uusan jirin wax khatar amni ah oo hadda taagan" ayay wasaaradu hadalkeedi sii raacisay. Ugu dambeyn, Warka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay mar kale adkeynayaan ballanqaadka go’an ee ciribtirka Al-Shabaab, iyagoo uga digaya in fal kasta oo ay ku doonayaan inay ku carqaladeeyaan amniga shacabka lagu wajihi doono jawaab adag oo degdeg ah. Dhinaca kale, Howlgal si gaar ah loo qorsheeyay oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo saaxiibada caalamka ayaa lagu dilay labo sarkaal oo sare oo ka tirsanaa Alshabaab, kaddib weerar bartilmaameed ah oo ka dhacay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe. Howlgalkan oo dhacay 10-kii December ayaa lagu beegsaday Cabdullaahi Cismaan Maxamed, oo loo yaqaanay Injineer Ismaaciil, iyo Cabdikariin Maxamed Xersi (Qoorleex), kuwaas oo ka mid ahaa maskaxda hawlgallada khatarta badan ee kooxda. Injineer Ismaaciil waxa uu ahaa hoggaamiye gacanta ku hayay abaabulka qaraxyada, kooxda Amniyaadka iyo hawlaha marin-habaabinta warbaahineed ee ay Khawaarijtu ku faafin jireen fariimahooda. Waxa uu ka mid ahaa shaqsiyaadka sida gaarka ah loo baadi-goobayay, iyadoo madaxiisa lagu raadinayay abaalmarin lacageed oo gaareysay 5 milyan oo doollar, sababo la xiriira kaalintiisii weerarro waaweyn oo lagu hoobtay shacabka. Wararku waxay sheegayaan inuu door muuqda ku lahaa qaraxii dhacay 14-kii Oktoobar iyo falal kale oo dhiig ku daatay oo ka dhan ahaa rayidka Soomaaliyeed. Sidoo kale, Cabdikariin Maxamed Xersi (Qoorleex) ayaa ahaa sarkaal ka tirsan qaybta marin-habaabinta, isaga oo si gaar ah masuul uga ahaa isku-xirka hawlaha Khawaarijta ee gobollada Jubbooyinka. Howlgalkan ayaa lagu tilmaamay mid si weyn u dhaawacay awooddii iyo qorshayaashii Khawaarijta, waxaana lagu soo afjaray halis amni oo ay muddo dheer ku hayeen shacabka Soomaaliyeed.
XIGASHO-HOL.