XOOGAGA DANAB OO HAWLGAL KA FULIYEY BUULO FULAAY.

(SAWIRKA)-HAWLGALKII DANAB EE XALAY BUULO FULAAY.

(BAYDHABO/KGS)-Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed,  gaar ahaan kuwa Kumaandooska Danab oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa Xalay fuliyay howlgal si heer sare ah loo qorsheeyay ka fuliyay deegaanka Buula Fuleey ee gobolka Baay. Howlgalka ayaa ahaa mid si gaar ah ciidanku ugu bartilmaameedsadeen xarumo ay ku sugnaayeen horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab, waxaana lagu dilay 20 xubnood oo isugu jiray horjoogayaal iyo maleeshiyaad. Deegaanka Buulo Fulaay ee gobolka Baay ayaa ka mid ah deegaanada ku yaala Baay oo ay kooxda Al-shabaab ku leeyihiin xarumaha ugu waaweyn uguna muhiimsan oo ay ka weeraraan qaar ka mid ah magaalooyinka gobolka Baay. Howlgalka ayaa sidoo kale la sheegay in ciidamadu ay ku burburiyeen idaacad ku hadasha afka Al-shabaab ee Andolus oo ku taallay deegaanka Buulo Fulaay, hayeshee wali lama shaacin magacyada horjoogayaasha lagu dilay howlgalka Xalay ka dhacay deegaanka Buulo Fulaay. Ugu dambeyntii howlgalkan ayaa kusoo aadaya, iyadoo laba maalmood ka hor gobolka Jubbada Dhexe lagu beegsaday qaar ka mid ah horjoogayaashii ugu sareeyay kooxda, islamarkaana shalay sido kale ciidamada xooga dalka uga hortageen duulmlaan culus oo Al-shabaab ay kusoo qaaday deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

XIGASHO-HOL.

Previous
Previous

KOOX BURCAD AH OO JABSATAY TELEFOONKA WASIIRAD HORE.

Next
Next

XILDHIBANO IYO WASIRO KA HORYIMID AQONSIGA SOMALILAND.