XILDHIBAN ODAWAA OO ISKA CASILAY XILKII XOGHAYAHA XISBIGA JSP.
(SAWIRKA)-XIL.ODWAA.
(MUQDISHO)-Cabdiraxmaan Odawaa, oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa uga dhawaaqay boggiisa rasmiga ah ee Facebook inuu iska casilay xilkii Xoghayaha Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP), oo uu hogaamiyo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Waxa uu yiri "Waxaan maanta oo ay taariikhdu tahay 25 March 2026 aan si rasmi ah isaga casilay xilka Xoghayaha Guud iyo waliba xubinnimadii xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP), Iscasilaadan waxaa sabab u ah kala aragti duwanaansho qotodheer oo in muddo ah igala dhaxeysay Guddoomiyaha Xisbiga JSP, ahna Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Xasan Sheekh Maxamud." Odawaa ayaa sheegay in is-casilaaddiisu ay ka dambeysay khilaaf muddo dheer jiray oo uu la lahaa hoggaanka xisbiga, isaga oo caddeeyay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu xisbiga ka dhigay mid u gaar ah isaga oo keliya waxaana uu xusay dhowr qodob ay kamid yihiin: In madaxweynuhu talada dalka iyo tan xisbiga ka dhigay mid isaga ka billaabata kuna dhammaata, isaga oo diiday inuu tixgeliyo ra’yiga ka duwan midkiisa isla markaana uu la tashado kooxdiisa siyaasadeed, guud ahaanna diiday talada dhammaan hay’adaha dowladda. Odawaa ayaa sidoo kale warkiisa ku xusay in Wax-ka-beddelka dastuurka dalka uu isku dayay in madaxweynaha uu ka qabto hannaanka loo maray wax-ka-beddelka dastuurka oo ahaa mid uu ku sheegay kala fogeynta ummadda Soomaaliyeed iyo in la saxo qaar ka mid ah qodobbada taabanaya midnimada, wadajirka iyo mabaadi’ida federaaliga ah ee uu dastuurku ku qotomo. "Waxaan madaxweynaha ku kala ra’ayi duwanaannay nidaamka doorashooyinka dalka, Madaxweynuhu wuxuu ku adkeystay inuu sameeyo nidaam doorasho oo uu natiijadiisa isagu xakameyn karo, aniguna waxaan qabaa in doorashadu noqoto mid ay heshiis ku yihiin saamileyda siyaaasadda dalka, maadaama uu dalkeennu yahay mid u nugul colaad siyaasadeed iyo burbur bulsho oo soo noqnoqda" ayuu Xildhibaan Odawaa raaciyay Qoraalkiisa. Qoraalka Xildhibaanka oo dheeraa ayaa waxa uu dhanka kale kaga hadlay arrimaha Maamul Goboleedyada iyo xildhibaano laga hor istaagay inay garoonka Muqdisho ka baxaan waxaana uu yiri "waxaan aad uga diiday Madaxweyne Xasan Sheekh siyaasadiisa burburinta dowlad-goboleedyada dalka, maxaa yeelay dowlad-goboleedyadu waa astaanta iyo heerka labaad ee aasaaska u ah dhismaha nidaamka federaalka dalka iyo weliba wadajirka bulshada Soomaaliyeed" "Waxaan aad uga dhiidhiyey xannibaadda soo noqnoqotay ee loo geysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalka gudihiisa iyo dibadda u socdaalaya. Si gaar ah, waxaan kasoo horjeestay in xildhibaan qaran oo xasaanad leh laga hor istaago safar, arrintaas oo ah gaboodfal sharci oo aan qiil loo heli karin, ku xadgudub madaxbannaanida baarlamaanka dalka iyo karaamada bani’aadamka ee Alle ilaaliyey" ayuu qoraalkiisa raaciyay Cabdiraxmaan Odawaa. Cabdiraxmaan Odawaa, oo laga soo doortay Galmudug, ayaa safka hore uga jiray in Madaxweyne Xasan Sheekh soo gaaro xukunka markiisi 2aad.
ISHA-HOL.