CIIDANKA ASLUUBA SOOMAALIYA OO YEESHAY TALIYE CUSUB.
(SAWIRKA)-TALIYAHA ASLUUBTA.
(MUQDISHO)-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha amniga guud iyo la-dagaallanka kooxaha Khawaarijta, iyada oo la bogaadiyey howlgalladii ugu dambeeyay ee ay sameeyeen ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed. Shirka oo uu guddoominayey Raโiisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Wasaaradda Difaaca looga dhageystay guulaha laga gaaray howlgalka Beder ee bishii Ramadaan ay ciidamada qalabka sida sameeyeen, kaas oo lagu xoreeyeen deegaannada kala ah Mubaakar iyo Daaru-sallaam ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyada oo ciidamadu ay sii wadi doonaan howlgalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah, qarkana u saaran yihiin in ay xoreeyaan degmooyin waaweyn oo dalka ka tirsan. Golaha, ayaa ansixiyey ๐๐๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐ ๐๐๐ซ๐๐ฆ๐๐๐ ๐๐ข๐๐จ๐จ๐๐๐ฒ ๐๐ ๐ค๐ ๐๐๐ง๐๐๐ฌ๐ข๐ ๐ ๐ฌ๐ก๐๐ซ๐๐ข ๐๐๐ซ๐ซ๐๐๐ ๐๐ก ๐๐ ๐๐๐๐ฐ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐ ๐ฆ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐จ๐จ๐ซ๐ข๐ฒ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฐ๐ ๐ฌ๐๐๐ฆ๐๐๐ฒ๐ ๐๐ ๐๐๐๐, kaas oo ay soo gudbisay Wasaaradda Caafimaadka XJFS. Sidoo kale, shirka golaha ayaa lagu ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee magacaabidda taliyaha cusub ee ciidanka Asluubta Soomaaliya, ๐ญ๐๐ก๐ ๐๐๐จ ๐ค๐ค ๐ก๐ค๐ค ๐ข๐๐๐๐๐๐๐๐๐ฎ ๐๐๐ง๐ง๐๐๐ฎ๐ ๐๐๐๐จ ๐๐๐ญ๐๐ข๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐ ๐๐๐จ๐๐ฃ ๐๐๐๐ข๐ช๐ oo horey xilal sare uga soo qabtay ciidanka qalabka sida, lehna sooyaal waxqabad oo wanaagsan. Gen.Mahad C/raxman Adan loona aqoon ogyahay SHUB ayaa xilka Taliyaha Ciidamadda Asluub dib loogu magacaabay 6-dii bishii Abriil sannadkii 2023-kii ka dib markii uu ka tanaasulay Kursigii Xildhibaanimada ee Golaha Shacab ee BJFS. Taliye Shub, ayaa ah nin Sodog u ah Madaxweynaha DG KGS Md.C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen oo hadda dagaal siyaasadeed uu kala dhexeeyo DFS.
ISHA-SNTV.