HOOYO SOOMAALIYEED OO LAGU XIRAY DALKA AUSTRALIA.
(SAWIRKA)-HOOYADA.
(MELBOURNE/AUSTRALIA)-Haweeney ka soo jeedda Soomaaliya oo lagu magacaabo Istarlin Hassan, da’deeduna tahay 55 sano, lehne ilaa todobo caruur ah ayaa lagu xiray magaalada Melbourne ee dalka Australia ka dib markii lagu helay inay hoggaaminaysay shabakad lagu lunsaday lacag dhan $800,000 oo ka timid canshuur-bixiyeyaasha. Maxkamadda ayaa sheegtay in haweeneydan ay maamuli jirtay xarumo daryeel carruur oo aan sharciyeysneyn, isla markaana ay sameyn jirtay sheegashooyin been abuur ah oo ku saabsan barnaamijka National Disability Insurance Scheme (NDIS), kaas oo loogu talagalay in lagu taageero dadka naafada ah. news inside,Waxaa sidoo kale la sheegay inay u leexisay lacago loogu talagalay cunuggeeda oo naafo ah, iyadoo ku bixisay arrimo gaar ah sida iibsashada guri iyo shaqaaleysiinta dad uga shaqeeya guriga. Wararka ayaa intaas ku daraya in nin ay xiriir lahaayeen oo qaxooti Kurdish ah uu horey xabsi ugu jiray doorkiisa la xiriira falkaas. Kiiskan ayaa mar kale iftiimiyay walaacyada ka jira nidaamka NDIS, iyadoo mas’uuliyiin iyo falanqeeyayaal ay sheegayaan in nidaamka uu wajahayo caqabado la xiriira khiyaanooyin lacageed oo ballaaran, kuwaas oo sanad walba lagu qiyaaso balaayiin doolar. Dowladda Australia ayaa sheegtay inay xoojineyso tallaabooyinka lagu ilaalinayo barnaamijyada daryeelka bulshada, si loo hubiyo in gargaarka uu gaaro dadka xaqa u leh, isla markaana looga hortago musuqmaasuqa iyo lunsiga hantida dadweynaha. Si kastaba ha ahaatee, haweeneydan ayaa sanadkii 2014 laga mamnuucay in ay ku lug yeelato barnaamijyada lagu taageerayo dadka naafada ah. Haweeneydaan Soomaaliyeed ee 55-jirka ah ayaa lagu xukumay wax ka badan todobo sanadood oo xabsi ah, iyadoo wararku ey sheegayaan in u dhashay Kurdis Qaxootina ah oo tima jare ah xiriirna la lehaa hooyadaan Soomaaliyeed isagana xabsiga loo taxaabay.
ISHA-HOL.