XILDHIBAANO LAGA JOOJIYEY KAL FADHIYDA GOLAHA.

(SAWIRKA)-LIISKA MAGACYADA XILDHIBAANADA.

(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo Caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Sheekh Aden Maxamed Nuur(Aden Madoobe) ayaa caawa soo saaray Qoraalo is daba joog ah kuna saabsan wixii maanta ka dhacay Hoolka Golaha Shacabka ee BJFS ee Villa Hargeysa. Golaha Shacabka ayaa todobaadkii la soo dhaafay aan wax fadhi ah yeelan sababo la xiriiro dhibaato ka dhalatay Xildhibaan Cabdullahi Abiib oo laga qaaday Xasaanadii lagana saaray Golaha Shacabka balse arrintaas ayaa waxaa shalay dib loogu soo celiyey Gudi Hoosaadka Golaha Shacabka si ey ugu soo gudbiyaan Xildhibaanada Golaha Shacabka si ey uga doodaan waxa laga yeelaayo Xildhibaan Abiib. Maanta oo Arbaca ah kana mid ah maalmaha seddexda ah ee uu kulmo Golaha Shacabka ee BJFS ayaa ku furmay Qeylo iyo Buuq ka hor inta uusan imaan Gudoomiye Aden Madoobe, waxaane Buuq aan kala go’olahayn la hortaagnaay habdhawrka Golaha Shacabka Xildhibaano gaaraayo labaatameyo kuwaaso intooda badan ah kuwii horay u diidanaay in Xildhibaan Abiib Xasaanadda laga qaado lagana saaro Golaha. Arrintu waa ey sii adkaaday ka dib markii ey Xildhibaanadu iska diideen iney fariistaan si Golaha uu guda galo hawshiisa,balse nasiib darro waxaa isu gacan qaaday Xildhibaano diidan inuu fadhiga qabsoomo iyo Xildhibaano ka tirsan XFS,dhacdadaan ayaa waxaa ka dhashay in Gudoonku qaado tilaabooyin u muuqdo in wax looga qabanaayo xaaladda ka taagan Golaha Shacabka ee BJFS. 20-ka Xildhibaan ee laga joojiyey fadhiyadda Golaha Shacabka ayaa intooda badan waxa ey ka soo jeedaan maamuladda Puntland iyo Jubaland maamulada kale sida Galmudug waxba ugama jiraan 20-kan Xildhibaan ee fadhiga laga joojiyey. Waxaa kaloo iyagana fadhiyadda laga joojiyey ilaa afar Xildhibaan isla markaasne ah Wasiiro ka tirsan Golaha XFS.

ISHA-SB-MEDIA.

Next
Next

MAXKAMADDA G/BANAADIR OO XUKUN KU RIDAY DAD LOO HEYSTO..