MAXKAMADDA G/BANAADIR OO XUKUN KU RIDAY DAD LOO HEYSTO..

(SAWIRKA)-GUDOOMIYAHA MAXKAMADDA G/BANDIR.

(MUQDISHO)-Maalmihii la soo dhaafay waxaa Maxkamada Gobolka Banaadir ka socotay dacwad la xiriirta Eedeysanayaal loo haysto iney dad Soomaaliyeed u tahriibiyeen Jaziiradda Mayotta, waxaane safarkaas badda ah ku dhintay 28-qofood,waxaane laga soo badbaadiyey 48-kale,wadarta dadka tahriibaayey ayaa ahayd ilaa 66-qofood oo dhammaantood laga soo tahriibiyey magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho,dacwadaan ayaa waxaa gacanta ku haayey Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir Md.Saalax Maxamud Dabaan. Eedeysanayaasha oo ka koobnaay ilaa todobo qofood oo wada rag ayaa lagu xukumay inta u dhexeyso lix bilood oo xariga ah ilaa afar sano oo xarig ah,waxaane dembigii lagu soo eedeeyey lagu waayey hal eedeysane oo la yiraahdo Mubaarak. Eedeysanayaasha qaarkood ayaa lagu xukumay iney bixiyaan megta(Diyadda)afar gabdhood oo ku geeriyooday biyaha badda Mayotta,diyadda ayaa ah iney bixiyaan min 50-halaad oo Geel ah qofkiiba iyo iney bixiyaan lacag dhan $20,500/ oo doolarka Maraykanka ah,lacagtaas oo ey ka qaadeen dad ey u sheegeen iney tahriibin doonaan, dadka ayaa kala ah Muxyadiin Hambar Calasaw oo leh $10,000 doolar, Adan Xasan Cali oo leh $5,500 doolar iyo Sahra Xaashi Jimcaale oo leh $5,000 doolar. Eedeysanayaasha kala ah Maxamed Jimcaale Raage oo 62-jir ah iyo Maxamud Cali Maxamed oo 55-jir ayaa ah Eedeysanayaasha laga rabo iney bixiyaan Diyadda dadkii dhintay iyo iney dib u soo celiyaan lacagta kor ku xusan. Xukunkaan ayaa ah midkii ugu horeeyey oo ku dhaca dadka wax tahriibiyo ee ku sugan magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho. Inta ey socotay dacwadaan ayaa hoolka Maxkamadda G/banaadir waxaa ka dhacday arrin si aad ah loola yaabay taaso ahayd in Hooyo da’adeeda ku sheegtay iney tahay 60-sano iney ka mid ahayd dadkii u tahriibaayey Jaziiradda Mayotta,balse dadkii safray ee badda ku le’eday uga hartay iney xanuusatay,waxaane hooyadaasi laga qaaday lacag ilaa $5000, doolarka Maraykanka ah.

SUUQBACAAD MEDIA-MUQDISHO/SOMALIA.

Next
Next

SWEDEN: 3-QOFOOD OO TOOGASHO LAGU DILAY.